|

Haweenka Gobolka Mudug ee Puntland oo ka soo horjestay awod qaybsiga barlamanka

Galkacyo/Hobyonet)Haweenka Gobolka mudug ee Maamulka Puntland ayaa kulan balaran ku yeeshay magaaladda Gaalkacyo waxaana ay kaga arinsadeen sida ay u arkaan habka qoondada xubnaha xildhibanada baarlamaanka dowladda Federalka uga qaybgalaya gobolka Mudug oo dhamaan laga dhigay rag waa sida ay hadalka u dhigeene.

Haweenka gobolka mudug waxa ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedan aabka loo qaybsaday xubnahaas ee aan loogu salayn Qootada la isla qaatay ee haweenku ku leyihiin xubnaha Gobolka,

Gudoomiyaha ururka haweenak gobolka mudug Dhudi Yuusuf Aadan waxana ay xustay in ay canbaraynayaan cida masuuliydaas leh ee luminaysa kaalinta balaran ee builshada ee haweenka ah wixii yaraa ee ay ka heleen baarlamaanka Gobolka,waxaana ay baaq u dirtay gudiga farsanmada iyo masuliyiinta dowladda federalka soomaaliya oo ay ka codsatay in ay dibu eegis ku sameyaan qoondada haweenka ee gobol kasta oo soomaaliya ka mid ah ,si haweenku u helaan kootada ay ku leeyihiin baarlamaanka dowladda Federalka soomaaliyeed ee lagu wado in la dhiso 20 Aug.

Haweenka Gobolka ayaa socod dheer ku maray wadada dhexmarta Magaaladda ,waxaana ay ku muujinayeen cabashadooda ku adan xubnaha ay ka helilahayeen dumar ahaan baarlamaanka Gobolka.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa loo qorsheyey in 30% ay baarlamaanka noqdaan ,wallow aanay gobolada soomaaliya qaybtood xushmayn nidaamkaas ayna isla markaa ka soo horjeedan qaabka wax loo qaybiyay.

 

 

 

 

 

 

 

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed