|

Magacyada Dhalinyaradii Burcad badeeda ee dhowaan xabsiga dheer lagu xukumey

Mombasa-hobyonet) Ilaa todobo ruux oo Somali ah oo lagu soo eedeeyey isku deyga afduub markab laga leeyahay dalka Sri Lanka, ayaa dhowaan maxkamad ku taala magaalada xeebta ah ee Mombassa dalka Kenya waxaa ay ku xukuntey min 20-sano oo xarig ah.

Dhalinyaradan Soomaaliyeed ayaa ku jirey xabsi ku yaala gudaha dalka Kenya tan iyo bishii oktoobar 2009-kii kolkaasoo ciidamada badda ee dalka Denmark oo ka mid ah, Ilaalada caalamiga ah ee la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya ay ku wareejiyeen dalka Kenya markii ay gacanta kusoo dhigeen iyagoo isku dayeya inay qabsadaan Markab kaluumeysi oo Sri Lanka laga lahaa.

Maxkamadda dalka Kenya ayaa dhamaan todobadaasi ruux ee Soomaalida ah waxaa ay ku xukuntey ilaa 20-sano oo xabsi ah, waxayna Magacyadooda kala yihiin:-

1-Cali Xuseen Xassan

2-Barre Cali Faarax

3-Cabdi Muxumed A.

4-Bashiir Maxamed Cilmi

5-C/kariim Nuur shire

6-C/risaaq C/laahi Cali

7-C.faaruukh Xuseen Cali

maaha markii ugu horeysay ee Burcad badeed Soomali ah, oo laga qabtey biyaha Somalia iyo meelaha ka baxsan xukuno lagula rido dalalka Kenya iyo dalal kale ee caalamka kuwaasi oo sanado kala duwan lagu xukumay.

 

www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed