|

Juventus oo ku guuleysatey Super Copa Italia markii ay Napoli ku heshey Beijing + Daawo

Sports-hobyonet)Kooxda Juventus ayaa ku guuleysatey koobka Super Copa Italia 2012, markii shalay ciyaar socotey 120-daqiiqo oo ka dhacdey garoonka Beijing ee China ay 4-2 uga badisey kooxda Napoli oo 9 ciyaartoy iyo Macalin la’aan ku dhameysatey kulanka,

Kooxda Napoli oo heysatey koobka Italia ayaa mar kasta ku hormareysay goolasha , iyadoo xidigooda Cavani uu u bilaabay goolka 1-aad daqiiqadii 28aad, laakiin isla qeybtii hore waxaa jawaab ka bixiyey ciyaaryahanka ay Juve dhowaan kala soo wareegtay naadiga Udinesse ee K.Asamoah.

Isla qeybtaasi hore Napoli ayaa awood u heshey inay mar kale hogaaanka u qabtaan ciyaarta markii ciyaaaryahan G.Pandev oo Inter laga soo iibsadey uu dhaliyey goolkii 2-aad, waxayna ku kala tageen 2-1 oo Napoli hogaanka ku heysay.

Qeybtii labaad daqiiqadii 74-aad ayaa rigoore ay heleen Juventus waxaa gool u sarifey A.Vidal sidaasina 2-2 ayey ku noqotey inkastoo weeraro culus la isku qaadey,

Wax waliba waxay isbedeleen isla markaana culeys weyn uu ku yimid kooxda Napoli oo 5-daqiiqo ka hor dhamaadkii waqtigii caadiga si toos ah looga saarey ciyaaryahan G.Pandev, ku darso qasaare kale oo Napoli soo wajahey markii daqiiqadii 90-aad laga saarey J.C. Zuniga, sidaasina 9 ciyaartoy oo Napole ah iyo 11 Juventus iyo waqtigii 30-ka daqiiqo ee kala baxa lagu darey iyadoo tababaraha Napole isagana garoonka laga saarey.

Kooxda Juventus ayaa fursad weeyn heshey maadaaama 2 ciyaaartoy ay dheeraadeen Napoli taasi oo qasasbtey in daafaca kooxda C.Maggio uu iska dhaliyey goolkii 3-aad (o.g.), kii 4-aad waxaa Juve u dhaliyey daqiiqadii 102-aad M. Vucinic sidaasina 4-2 kula damaashaadey Bejing koobkii 6-aad ee Italia Super Cup.

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed