Weeraryahan Hulk oo si cad u shaaciyey inuu doonayo Premier League
Sports-hobyonet)Weeraryahanka sida weyn loo doon-doonayo ee u dhashey dalka Brasil Givanildo Vieira de Souza oo lagu naaneyso “Hulk“ayaa ka dhawaajiyey inuu aad u jecelyahay inuu ka ciyaaro horyaalka dalka England ee Premier League.
Hulk oo u waramayey wargeyska the Mirror ayaa xusey in la gaarey waqtigii uu ka ciyaari lahaa horyaal ka duwan kan iminka uu joogo ee Portuqal, inkastoo uusan farta ku godin, kooxda uu ka aadayo horyaalka Premier League.
Xidiga kooxda Porto ayaa maqlaya dalabyada isasoo taraya ee ka imanaaya kooxaha Premier League gaar ahaaan maalqabeenka iska leh kooxda Chelsea ee Roman Abramovich oo shaaciyey inuu aaminsan yahay in aduun dhan £30m uu kusoo heli karo Xoog weyne Hulk,taasina uu ku adkeysanayo ee uusan kordhineyn lacagtaasi.
Laakiin dadaalka milkiilaha Chelsea ayaa docwareer ku furi kara hamiga kooxda Porto ee uu gudoomiyaheeda Nuno da Costa uu diidey in lacagtaasi uu ku fasaxo iyo inuu sugayo lacago intaasi ka badan oo ka timaada Jeebka Abramoviv ama kan wiilka Imaaraadka ee Man City Sheikh Mansour oo isagan si weyn u baadi goobaya Hulk.
Si kastaba ciyaaryahanka reer Brasil ee xooga badan laakiin
culeyskiisu sidaa u badneyn ee ah 68km ayaa aaminsan inuu macsalaameyn doono kooxdiisa Porto oo uu guulo badan lasoo qaatey tan iyo markii uu sanadkii 2008-dii kaga soo biirey Japan oo uu kasoo dheeelay.
Manchester City ayaa ku jirta beeca xidigan iyadoo ilaa 40-milyan ka dhigi karta qanacsanaanta iyo hamiga Fc. Porto iyagoo ka faaideysanaya dooqa xidiga ee ah inuu ka ciyaaro Premier League, waxaana Hulk lagu xusuustaa oo uu indhaha caalamka uu soo jiitey 2011, markii kooxdiisa Porto uu ka caawiyey inay qaadaan 3 koob oo uu ku jirey koobkii Europa League isagoo guud ahaan xili ciyaareedkaasi dhaliyey 36 gool,saaxiibadiisana u dhigey 53 gool.
by.zaciimka



Recent Comments