Tartan Aqooneedkii Degmooyinka Galmudug oo Caawa soo Idlaaday Degmadee Gulaysatay?

Galkacyo/Hobyonet)Tartan aqooneed uga socday Radiocodkamudug Degmooyinka Galmudug ayaa Caawa soo Idlaaday waxaana Tartanaqonedkan Maalgalinayay Shirkada Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom xaga Baahintana Waxaa Waday Idaacada Codkamudugradio iyadoo ay sidoo kale aqoonta Lagu tartamayay soo diyaarisay wasaarada Waxbarashada Galmudug.
Waxaa Tartan aqooneedkan Ka qayb qadanayay ilaa 16Degmo oo ka tirsan Galmudug kuwaa oo mid walba ay muujisay Firfircooni iyo karti aqooneedkeda.
waxaana Caawa ay ku beegneeyd habeenkii kama denbaysta ahaa oo ay isku soo hareen Labo Degmo oo qura kuwaa oo kala ah Degmada Bandarqaali iyo Ceelguula oo Caawa soo Bandhigay wacdaro Xoogan iyadoo Degmo kasta ay u xusuldubaysay sidii ay u hanan lahayd Koobka aqoonta Degmooyinka Galmudug waxaana Ugu danbeytii ay guushu raacday Degmada Ceelguula oo Benderqaali uga Badisay 11dhibcood halka Bendarqaali ay keensatay 8dhibcood isla markaana ay Gudiga Tartanku Shaaciyeen natiijada in ay qaaday Koobka aqoonta Degmooyinka Sanadkan Ceelguuula Kaalinta Labaadna ay gashay Bandarqali oo sidookel Sanadkii hore gashay Kaalinta labaad waxaana sanadkii Hore Koobka Aqoonta Qaaday Degmada Gawaan ee Gobalka Mudug Galmudug
W/D:Cali Maalin Nur
Galkacyo-Hobyonet.com



Recent Comments