|

ciid wanaagsan dhamaan muslimiinta caalamka oo dhan

Muqdisho-hobyonet) Hambalyo dhamaan muslimiinta caalamka meel kasta oo aad joogtaan munaasabadda ciidul fidriga oo berito Ku beegan.

Dhamaan dalka soomaaliya goboladiisa kala duwan Ayaa laga dareemayaa farxadda ciidul fidriga gaar ahaan caasimadda muqdisho oo laga ridayo rasaasta bululerka oo cirka oo dhan kadhigeysa mid qurux badan oo kalaro leh.

Sida Ka muuqatey masaajidyada iyo dadweynaha reer muqdisho waxaa leysku raacsanyahay in beri ay tahay ciidul fidri maadama sodon maalmood la soomanaa bishii ramadaan,idaacadaha maxaliga oo aad u batey bishan ramadaan Ayaa baahinaya heesaha ciida taasi oo jawiga Ka dhigeysa mid farxadeed.

Mar kale Maamulka iyo wariyayaasha shabakadda www.hobyonet.com waxay hawada idin soo marinayaan Hambalyo iyo bogaadin farxada ciidul fidriga sanadkan kan xigana alle hanahgu gaarsiiyo nabad iyo caafimaad insha allaah.

www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed