|

Horyaalka Premier League oo galabta ka furmaya garoomada england ( Warbixin)


Sports-hobyonet)
 Waxaa lagu wadaa in maanta oo ku beegan 18/8/2012 si rasmi ah garoomada ku yaala dalka England uga bilowdo horyaalka Premier League kaasi oo ay ku tartamaan ilaa 20-ka kooxood ee safka hore kaga jira kubadda cagta England.

Kooxaha ka dhisan Premier League oo xafiltan weyn uu ka dhexeeyo ayaa maalmihii ugu danbeeysey sameeyey tiaabooyin iyagoo qaaradda yurub, America iyo Asia soo marey.

Marka la eego kooxaha waaweyn ayaa soo qaatey ciyaaryahano lafdhabar ah inkastoo kooxaha qarna ay waayeen taasi bedelkeeda, sida Van Persia, iyo Didier Drogba oo labaduba saameyn ku lahaa magaalada London maadaama gool dhalintii iyo Champions League ay soo kala qaadeen,

Ciyaaryahanada ku cusub horyaalka Premier League waxaa laga xusi karaa Shinji Kagawa,Olivier Giroud, Lukas Podolski,Santi Cazorla.Oscar,Eden Hazard, Marko Marin,Ousama Assaidi,Joe Allen iyo Fabio Borini, waxaana xidigahan keensadey kooxaha safka hore sida Man U, Man City, Chelsea,Arsenal iyo Liverpool.

Kulamada furitaanka ee horyaalka, waxaa isku waqti galabta dhici doona ilaa 6 kulan Arsenal ayaa qaabileysa Sunderland,halka Liverpool ay aadeyso Westbrom,berito Chelsea ayaa u tegeysa Wigan,kooxda difaacaneysa horyaalka ee Man city waxay beri qaabileysaakooxda dhowaan galka ah ee Southampton, Man U ayaa Isniinta u safreysa garoonka Godison Park ee Everton.

Galabta
Arsenal v Sunderland
Fulham v Norwich City
QPR v Swansea City
Reading v Stoke City
West Brom v Liverpool
West Ham v Aston Villa
Newcastle United v Tottenham
Axada
Wigan Athletic v Chelsea
Manchester City v Southampton
Isniin
Everton v Manchester United

By C.C.Zaciimka
zaciimka02@hotmail.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed