|

Liverpool iyo tottenhum oo la karbaashey iyo Arsenal oo dhaafi weysey Sunderland + Sawiro

Sports-hobyonet)Sida looga bartey horyaalka premier league ee dalka England kooxaha loo tiriyo iney daciif yihiin xaga awooda ciyaartoyda joogta iyo dhaqaale ahaanba waxay lasoo shirtagaan ciyaaro aad loo jecleysto oo awood,farsamo iyo adkeysi Ku dheehan’mana jirto koox dhibcaheeda ciyaarta kahore Lagu xisaabtami karo.

Waa sababta premier league u noqdey kan loogu jecelyahay ee ugu daawashada badan caalamka min Uerope,africa,asia ilaa USA oo malaayiin ruux si weyn Uga daawadaan Tv-yada.

Shaley waxaa si rasmi ah Uga furmey dalka England horyaalka Premier league ee xili ciyaareedka 2012/03 iyadoo ilaa 7 kulan Lagu baratamey kuwaasi oo natiijooyin aan la filaneyn ay kasoo bexeen qaar kamida ciyaarihii dhacey.

Arsenal oo iska iibisey xidigihii Van Persia iyo Alex song Ayaa waxay bar bardhac Gool la’aan ah la gashey Sunderland,inkastoo ay aad Uga gacansareeyen dadaalna muujiyeen ciyaartoda cusub ee Cazorla iyo podolisk hadana 0-0 Ayaa Lagu kala tegey.

Liverpool Ayaa naxdin iyo shoog Ku bilaabatey horyaalka markii guul daro 3-0 West Brom kusoo qaarijisey weliba Agger Ayaa ciyaarta laga saarey daqiiqadii 58-aad xidigihii waaweynaana jaaleyaal Lagu aamusiyey sida Suarez Johnson’ Lieve iyo Carroll.

Kooxaha yar yar ee Swansea,Fulham iyo westham Ayaa guulo Ka gaarey kulamadooda weliba Fulham iyo Swansea Ayaa min 5 Gool Uga kala badiyey Norwich iyo QPR.

Tababarihii hore ee Chelsea AVB iyo kooxdiisa cusub ee Tottenhum ayaa guul daro Lagu soo dhoweeyey’markii 2-1 Uga soo badisey Newcastle United,ciyaartoyda kala ah Demba Ba iyo Ben Arfa Ayaa goolasha u dhaliyey Newcastle, Reading iyo Stock Ayaa min Gool Ku kala qaatey min dhibic iyadoo Westham 1-0 Ku dubatey Aston Villa.

Maanta waxaa balansan Wigan Athletic iyo Chelsea,halka kooxda taajka hooryaalka heysata ee Manchester City ay qaabili doonto kooxda yar ee Southamton,Isniinta Goodison Park Everton Ayaa Ku martiqaadeysa Manchester United.


By: C/xafiid Zaciimka
CIID MUBAARAK

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed