|

Madaxweynaha Galmudug S/gaas Cabdi Qaybdiid oo Magacaabay Qar kamida Golaha Wasiirada Galmudug+Sawiradoda

Galkacyo/Hobyonet)Shir jaraa,id oo manta Madaxweyne Qaybdiid uu ku qabtay Xafiiskiisa ayuu ku Magacaabay Qayb gole wasiiro oo hordhac ah isagoo xusay in dhawaan uu soo dhamaystiri doono Dhamaan Golaha wasiirada iyo hay,adaha Dowlada Cusub .

Wareegtada uu ku magacaabay  Madaxweynuhu wasiirada ayuu saxaafada u aqriyay  wuxuuna sheegay in hada uu Magaacabay 5wasiir  oo kala ah

WASIIRADA CUSUB EE GALMUDUG

  1. Pro:C/laahi Jaamac Cilmi (jeemis)      W/Caafimadka
  2. C/wali  Sh. Cali Rooraye                       W/Maalyada
  3. Max’ed Cali Nur Xaaji                           W/Iskaashiga iyo Xiriirka caalamka
  4. C/qaadir  Cali Jaamac Qalabxoor        W/Kaluumaysiga iyo Qayraadka Bada
  5. Axmed Max’ed Xasan Baasto              W/Warfaafinta

Wasiiradan Maanta  uu Madaxweynuhu Magacabay ayaa noqonaya Golihii ugu horeeyay ee uu Magacaabo Madaxweynaha Cusub  tan iyo markii ladoortay waxaana laga dhur sugayaa talaabada xigta ee uu qaado madaxweynaha Cusub in kastoo uu horay warsaxafadeed uga soo saaray nidaamka lagu soo dhisayo Degmooyinka Gobalada.

W/D:Cali Maalin Nur

Cmaalin17@gmail.com

Galkacyo/Hobyonet.com

 

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed