|

Sidee looga Ciiday maanta magaalada Galkacyo ciidul-fidriga + Sawiro

Galkacyo/Hobyonet)Waxaa manta  Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug looga Ciiday Siwadjir ah Madaxweynaha Galmudug Jen.Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid Ayaa kadib salaada Ciida Hambalyo u diray Dhamaan Umadda Soomaliyeed iyo Shacabka Galmudug .

Salaada Subax kadib ayaa waxaa dhamaan Masaajida Magaalada Ka bilaabatay Takbiirta waxayna dadweynuhu isugu soo baxeen fagaarayaasha lagu ciido iaydoo la arkayay gaadiidka raaxada oo aad u farabadan iyo  dadweyne is haystay wadooyinka Magaalada .

Dadka ka qayb qaadanayay Farxada Maalinta Ciidulfidriga aya isugu hambalyaynayay ciid mubaarak waxaana sidoo kale wadooyinka buuxdhaafshay ilmaha yaryar ee iyaguna qayb ka ahaa shacabkii ciidaysanayay .

Maalinta ciidul fidriga ayaa si wayn u saamaysay ganacsiga Magaalada iyadoo keentay in gabi ahaanba la xiro mehradaha ganacsiga galinkii hore ee Maanta .

 

W/D:Cali Maalin Nur

Cmaalin17@gmail.com

Galkacyo/Hobyonet.com

 

 

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed