|

Kacdoonka iyo Noocyada uu Uqeybsamo,Maxaase Fashiliya Kacdoonada Siyaasada Soomaalida?

Fikrad-hobyonet)Aduunku wuxuu soomaray kacdoonno kala duwan oo qaarkood isku xigxigeen kuwakalana muddo dheer oo kala fogfog ay udhaxeysay. Sidoo kale, kacdoonaddu waa wax soonoqnoqda hadana wajiyo iyo qaabab kala duwan kuyimaadda. Balse su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay, maxay kacdoonnada qaarkood u-guuleystaan kuwokalana ugu fashilmaan isbedelkii laga rabay inuu keeno kacdoonkaasi? Tusaale fiican waxaan usoo qaadan karnaa Soomaaliya iyo kacdoonadii soomaray oo dhammaantood ku guuldarreystay inay xaaladdii bulshadu kakacday mid dhaanta ugu bedelaan.

Sidaa owgeed qormadan kooban waxaan uga doodi doonaa sababaha bulshada Soomaaliyeed ay ugu hungowday kacdoonadii soomaray iyo wixii fashiliyay kacdoonadaas, tiiyoo aan halkan kusoo bandhigi doono qodobada lagamamaarmaanka u ah kacdoon waara oo guuleysta in dalka Soomaaliya mar uun kadhoco mustaqbalka dhaw iyo midka fog, bulshaduna ku riyaaqdo, horumarka ay hiigsaneysana kugaadho.

Qeexid; Ereyga Kacdoon

Kacdoon waa dareen kadhasha cidhiidhi, cadaadis, cabudhin, culeys iyo dhib bulshadu dareentay, kacdoonkuna waa isku dayga ama rabitaan bulsho oo ah, in xaaladaas wax halaga bedelo si dhibta lagu jiro looga boxo. Sideedabana waxaa layidhaahdaa; kacdoonku waa natiijo kadhalata hogaan kufashilmay isbedel iyo horumar in buslshaa loohorseedo. Qeybaha iyo noocyada kacdoonadu uqeybsamaa waxaa kamid ah;

• Kacdoon tacab (Agricultural revolution)
• Kacdoon aqoon (Scientific revolution)
• Kacdoon warshad (Industrial revolution)
• Kacdoon siyaasad (Political revolution)
• Kacdoon dhaqan (Cultural revolution)
• Kacdoon farsamo (Technological revolution)

Noockastoo kamid ah kacdoonaddan wuxuu ujawaabayaa culus iyo cadaadis gaar ah oo bulshadu ay dareentay. Tusaale ahaan; kacdoonkii beeraha wuxuu kadhashay hab nololeedkii ugaadsiga/dabatada oo baahidii jirtay ee bulshada dabooli waaweyay. Hadaba sidii xal waara loogu helilahaa gaajada iyo macaluusha baahday ee soonoqnoqotay oy dad badanina ku li’deen, dadku waxay ku kacdoomeen dhulka iyo beerashadiisa sidii nolol isku filnaasho wax soosaar dhanka cunnada ah loogaari lahaa. Kacdoonkii beeraha wuxuu waxweyn kabedelay hab nololeedkii bani’aadamku unoolaa wixii xiligaas kahoreeyay.

Sidaasi silamid ah, kacdoonkii aqoonta isaguna wuxuu jawaab u ahaa cadaadis iyo baahi bani’aadamku dareemay sidii jahliga iyo dhibtiisa looga bixi lahaana halgan iyo dadaal dheer ugusoo galay. Kacdoonkii aqoonta wuxuu kadhashay markii isbaaro ama jidgooyo loodhigtay caqliga fikiraya ee bani’aadamka si aqoon uu usoosaaro. Ragga isbaaradaas dhigtay waxay ahaayeen wa’aadadii sheegan jiray ilaalinta saafinimada diinta xilligii Ibnu Rushdi magaalada Qurduba uu kunoolaa iyo qolyihii Kaniisadda oo iyaguna abuuray masaafo baaxad weyn oo aan fikir iyo cilmi baaris toona laga ogoleyn, taasoo markii dambe keentay cidhiidhi in lagaliyo caqliga ruuxa doonaya aqoon iyo curinteed/unkideed.

Cirbixiyeenkii reer Yurub Nicolas Copernicus buugiisii ahaa; (On the revolution of the celestial spheres) De revolutionibus orbium coelestium, 1543. Wuxuu ahaa kacdoon aqooneed oo jawaab toosa u ahaa cadaadiskii caqliga bani’aadamka lagu hayey dareenkii falcelis ee uu kabixiyay. Sida kacdoonada guuleysta lagu yaqaanno waxaa kamid ah, inuu keeno isbedel gabi ahaaneed oo kudhaca maanka iyo muuqaalka nolo maalmeedka bulshada, waana midda keentay in Copernicus buugiisa uu kacdoon kutilmaamo. Sidaasna wuxuu kunoqday aabihii kacdoonka aqoonta kadib xilligii baraaruga reer Yurub. Ballantii uuqaaday ee aheyd; ruuxii buugaas akhriyaayi inuusan mar dambe u-fikiri doonin sidii uu markaas kahor u-fikiri jiray, wuxuu kumuteystay inuu horseedo isbedel dhankasta oo bulshadii reer Yurub ah saameeyay, buugaasina ujeedadii iyo hadafkii laga lahaana uu kadhabeeyo.

Dadka taariikhda kutakhusay waxay kudoodaan, in kacdoonkii aqoonta uu sabab u ahaa soodedejinta kacdoonadii kadambeeyay sida; kacdoonadii warshadaha, siyaasada, dhaqanka iyo farsamada/technology. Markii lahelay aqoon saldhigatay, waxaa adkaatay in dadka lagu maamulo caqliyadii hore ee lagu xukumi jiray. Kacdoonadii siyasadeed (Political Revolutions in Europe) waxay horumar kusameeyeen dhaqamadii bulshooyinkaasi oy urogeen qawaaniin iyo shuruuc lajaanqaadi karta horumarka baaxadda weyn oy kutallaabsdeen umadahaasi.

Sidoo kale waxaa sahlanaatay isdhexgalka iyo isusocodka dunida meelwalboy dani kaagasho inaad u-socdaali karto muddo kooban. Qalabka xidhiidhka bulshada sida; telefonada, internet-ka, warbaahinta iyo aaladaha safarka intuba waxay caalanka kadhigtay tuulo yar, dadkoo dhamina ay iskawarqabaan xaaladda meesha kale looga noolyahayna si-joogta ah ula socdaan. Kacaanka farsamada ama technology, wuxuu isaguna meesha kasaaray culeys iyo baahi bani’aadamku uqabay fududeynta wada xidhiidhkooda iyo iska warhayntooda markasta iyo meel kastoy dunida dacalladeeda kakala joogaan.

Maxaa Fashiliya Kacdoonada Siyaasada Soomaalida?

Baadhitaankan intii aan waday waxyaabihii aan isdultaagay waxaa kamid ah; in kacdoonka kaliya ay Somaalidu taqaan uu yahay kacdoonka siyaasadda ee waliba hubeysan. Hadii 1969 umadda Soomaaliyeed ku kacdoontay dowladii rayidka ee musuqmaasuqa aheyd, askartii/milarigii hogaamiyay kacdoonkaasi waxay ku fashileen inay horseedaan xaalad kaduwan tii bulshadu ka kacdoontay. Kadib 21 sano oo xukun milatari bulshada Soomaaliyeed cadaadinayay ay ku kacdoontay 1991, jabhadihii hubeysnaa ee qabiilka kudhisanaa waxay hogaamiyeen kacdoonkaas, iyaguna waxay ku fashilmeen inay horseedaan isbedel keena xaaladii horay ujirtay ee bulshadu kakacday mid kaduwan.

Hase ahaatee jabhadihii hubeysnaa ee qabiilka kudhisnaa waxay shafka dhulka udhigeen oy burburiyeen qaranimadii iyo dowladnimadii Soomaaliya. Sideedaba astaamaha kacdoonka siyaasadeed ee hubeysan yaqaan waxaa ugu weyn inuu keeno isbedel gabi ahaaneed oo kudhaca nidaamka iyo xukunka markaa jira ee talada dalka haya. Inkastoo kacdoonkii jabhadaha hubeysan gabi ahaan uu baabi’iyay xukunkii iyo nidaamkii milatariga talada dalka hayay, hadana kuma guuleysan inay layimaadaan aragti lagu badbaadinayo qaranimada iyo dowladnimada dadka iyo dalka Soomaaliya, balse waxay keeneen fowdo iyo dagaal sokeeye oo lagu hoobtay.

Fowdadaasi waxay socotay muddo 16 sano ah, culeyskii ay keeneen dagaal oogayaashii fowdadu dhashay sannadkii 2006 waxay shacabku kuqaadeed kacdoon hubeysan, iyagoo muddo kooban kaga guuleysatay meeshana kassaaray fowdadii, cidhiidhigii iyo culeyskii dagaal-oogayaashu buslhada ku hayeen. Hasayeeshee kacdoonkaasi durbadiiba wuu fashilmay, markii koox yar oo magac diineed wadatay ay afduubtay isbedelkii shacabku u-oomanaa oy kudoonayeen nidaam iyo nabad in ay helaan. Qolyahaasi magaca diimeed soohuwaday iyagoo kubaaqayay jihaad caalami ah ayey guluf colaadeed oo quwado shisheeye iyo dowladaha dariska ahi ku lugleeyihiin dalka iyo dadka u-horseedeen. Markale ayaana dadka iyo dalka Soomaaliya uu galay burbur iyo baaba’ aan wali hore loo arkin.

Maadaaama nooca kaliya ee kacdoon oy Soomaalidu taqaan uu yahay midka hubeysan ee siyaasada, kacdoonkaasi kaligii way adagtahay inuu guuleysto. Maxaayeelay kacdoonkani si-kadis ah oo colaad dagaal hubeysan ah ayuu kudhacaa marwalba, isla markiina dagaal sokeeye ayuu isurogaa. Mar hadii bulshadu ayna soomarin kacdoonno kale sida kacaankii aqoonta oo kaabe unoqonkara kacdoonka siyaasada isagoo kahor-istaagaya in umadda kacdoonkooda lamajarahabaabiyo ama la afduubo, taasi waxay keeneysaa in marwalba bulshadu ku hungoodo isbedelka ay u-oomantahay inay kugaadho culeyska ay kakacdoomeen soo afjaridiisa.

Gabogabo

Hadii aynu nidhi kacdoonku waa wax soonoqnoqda oo noocyo iyo qaabab kaladuwan udhaca, wuxuu sidoo kale astaan uyahay fashalka hogaanka jira uu kufashilmo isbedel iyo horumar bulshada in lagaadhsiiyo kahor inta culeyska haysta umadda xakamaha iyo karaarka dhaafin. Hadii aynu lanimaadno kacaan aqooneed iyo kacaan dhaqanka Soomaalida wanaagiisa lagu muujinayo iyadoo wanaagaas qawaaniin iyo xeerar qoran laga dhigayo, taasi waxay horseed unoqonkartaa in mustawe qaangaadhnimo iyo biseyl bulshada Soomaaliyeed kudhoco, kaasoo ay ku hanankarto kacdoon siyaasadeed oo guuleysta mustaqbal inay gaadho. Hadii taasi dhiciweydo, natiijadii 21 sano kacdoonadii umadda soomaray iyo sidii ay u-fashilmeen oy diinta iyo siyaasaduba dagaaladii sokeeye uga qeybqaadateen, ayey kacdoonadan 10-kii sanaba mar dhacaya iyaguna uyeelan doonaan guul isbedel keenta, kacdoon kastana dagaal sokeeye iyo fashil lagu hoobto ayuu umadda dhaxalsiindoonaa.

Qore Nuradin Askar
email; nuradiin_as@yahoo.co.uk
London/UK

Recent Comments

    Comments are closed