Jose Mourinho:” Muhiimaddu maaha Barcelona ee waa inaan ogaadaa wixii dhacey kulankii Getafe ee horyaalka”
Sports-hobyonet)Tababaraha Kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa sheegay inay Wali dhamaan rajada ay ka lahaayeen in Barcelona ay ku garaaci karaan koobka Spanish Supercopa.
Jose Mourinho ayaa rumaysan in kooxdiisa fursad u haysato inay ka badiso kooxda Barcelona oo Real Madrid Garoonkeeda ugu soo badisay 3-2.
Goolal ay kala dhaliyeen Xavi, Lionel Messi iyo Pedro ayaa ku filnaatay Wiilasha Macalin Tito Vilanova inay ku badiyaan kulanka hore Walow Angel Di Maria uu dhaliyay Gool soo daahay.
Macalinka Portugal ayaa kadib kulankii Todobaadkii hore oo ay muujiyeen Ciyaaryahanadiisa ciyaar hooseysay ayaa hada rumaysan in dib usoo laba kaclayn doonaan Caawa.
“Wax walba Caawa ayay furmayaan” ayuu ku sheegay Shirjaraa”id oo uu qabtay Mourinho.
“Waxaan isku dayi doonaa inaan iska difaacno Barcelona, waxaan isku dayi doonaa in daqiiqada ugu soo horaysa ee Ciyaarta aan gool ka dhalino Barcelona.
Wuxuu waxba kasoo qaadin Ciyaarta caawa inaysan Muhiimah u lahayn hadii lagu guulaysto koobka Supercopa, waxana hadalkiisa uu intaa ku daray Barcelona Muhiimad iima lahan, Ujeedadeedayda waxaay tahay inaan ogaado waxa dhacay kulanka Getafe Sabtidii.
RealMadrid iyo Barcelona ayaa ciyaari doona kulankooda labaad Caawa kadib markii lugtii hore 3-2 ay ku adkaatayBarcelona.



Recent Comments