|

Alle ha u naxariistee Meydka Xaaji Cabdi Cilmi warsame oo la shaaciyey waqtiga la keeni doono

Muqdisho-hobyonet)Allaha u naxariistee Xaaji Cabdi Cilmi warsame oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii gudiga olombikada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ku geeriyoodey magaalada Kualla lampur ee xarunta dalka malaysia,halkaasi oo u ku jirey Isbitaal ku yaala.

Xaajiga ayaa mudooyinkii ugu danbeeysey aad u xanuunsanayey iyadoo dhowr jeer loo qaadey dalalka Imaaradka carabta iyo saudi arabia, waxaana habeenkii xaley la shaaciyey inuu dalka malaysia Isbitaal ku yaala uu alle ku oofsadey.

Xaaji cabdi Cilmi Warsame ayaa ahaa odey sportiga Soomaaliya taariikh fog ku leh,isagoo ka mid ahaa kooxdii caanka ahayd ee Howlaha Guud ama Jeenyo, isaga iyo walaalkiis Witig,waxayna koxdaasi la qeybsadeen guulo aad u fara badan, kadib waxaa uu usoo wareegey dhinaca Garsoorka oo lagu tiriyo kuwooda ugu wanaagsanaa ee Soomaliya soo marey.

Allaha u naxariistee Xaaji cabdi wuxuu noqey ku xigeenka GOS oo uu ahaa iminka inta uusan geeriyoonin, waxaana sida eheladiisu ay hobyonet.com u sheegeen meydkiisa la keeni doonaa todobaadka soo socda 10-13ka bisha Sebtember iyadoo Muqdisho lagu aasi doono.
Waxaa uu Ifka kaga tegey ilaa 58 ruux oo isugu jira waxa uu dhaley iyo waxay sii dhaleen, alle weyne haka waraabiyo janadii fardowsa Aamiin Aamiin Aamiin.

by zaciimka

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed