|

Musharaxoow mid baad ilowdey !!! Makuu sheegaa?Alloow ur u Bixi !!!

Muqdisho-hobyonet) Gees ka gees wadooyinka waaweyn ee xamar ayaa waxaa laga maqlayey gawaariga ku xiran cod baahiyayaasha waaweyn kuwaasi oo ay ka shidnaa heeso muujinaya doorashada iyo ololaha sida feestadii bari samaadkii oo kale, oo ay ku jirto Maanta,maanta maanta waa maalin weyne maanta oo ay ku luuqeyneysay allaha u naxariistee fanaandii Xaliimo khaliif Magool.

Nin odey ahaa oo ka mid ahaa dadkii sugayey gudbitaanka isgoyska KM 4 oo maanta Jaam ama ciriiri ahaa gawaarida iyo dadka oo aad u tiro badnaa ayaa indhaha u taagay gawaarida heestu ka socotey oo si tartiib ah u socdey wadada, dadkana u qeybinayey sawiro iyo slogano mid ka mida musharixiinta isla saacadaasi ka qudbadeynayey baarlamaanka, odeygii ayaa lasoo boodey, ! “IImaanka iyo arzaaqadda allaha ka qaadee mexey uga qeylisiinayaan Marxuumadda oo ay ugu shaqeysanayaan iyadoo meyto ah”!!! Dadkii u dhowaa oo aan ka mid ahaa ayaa indhaha ku jeediyey Odeygii qosolna la dhacay…

Maanta waxaa dhamaadey qudbadihii 15kii musharax ee ugu danbeeyseyna wey hadleen.. Yaab NInba ceesaantii Ceel keensey.. Dhamaan musharixiinta 15-ka ahaa + 10kii shalay = 25 waxay ka sinaayeen Faanka,Balan qaadka aan la hubin sida loo fuliyo, shaqsi kastaahina wuxuu carabka ku dhejiyey Isbedel baan sameynayaa, dhinaca amaanka, dhaqaalaha, shaqo abuuris, mashariic!!! Ha sheegin musharax sheegey cadaalad, Diinta ayaan ku dhaqayaa, ama xitaa yiri war runtu waa inaan dalkaan ka faaideystaa oo lacag ka abuurtaa 4-ta sano ee aan xilka heeynayo, cidna wax u qaban maayo ee waxaan soo doontay waa inaan dhergaa, sharaf yeelkadeede ileeyn waan dhaarsanahaye anigaana soo doontey xilkaan ee la iiguma yeerin!!! kkkk haka filan Soomaali taasi.. ABWAAN BAA YIRI (Allow Ur u Bixi) AAN EEGNO WAXA DHACA 10-KA BISHA EE DOORASHADA IYO HOGAAMIYIHII LA DOORTO.??? waase dow in qalbiga lagu hayaaa, Ninka saaka jeceloow Xilka sahal ha moodin, Dhulka aan ku soconiyo Samaduu ka culus yahay……..

by Tifaftiraha
www.hobyonet.com

Recent Comments

    Comments are closed