Madaxweynaha Galmudug Jen. Cabdi Qaybdiid oo Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya soo dhaweeyay
GALKACYO/HOBYONET)Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa soo dhaweeyay Doorashadii Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya oo Shalay lagu doortay Magaalada Muqdisho Caasimada Somaliya .
Jen.Cabdi Qaybdiid ayaa u hambalyeyay Xasan Shekh Max’ud Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya isagoo sheegay in ay Galmudug Dhinac kasta oo horumarka Dalka ah Kala shaqayn doonto xukuumada Cusub ee La yagleelay.
Madaxweynaha Galmudug oo ka mid ahaa Madaxdii ka qayb gashay Xafladii Doorashada Madaxweynaha ayaa xusay in ay u dhacday Doorashadu si Cadaalad ah isla markaana loo baahanyahay in la tageero Natiijada ka soo baxday taa oo uu ku sheegay in ay tahay Guul u soo hoyatay dhamaan umadda Soomaliyeed .
Wuxuuna Sido kale Shacabka Galmudug ugu Baaqay in ay Xukuumada Cusub la shaqeeyaan waxaana hadalka Mr.Qaybdiid kadib Bilowday Dibadbaxyo Lagu taagerayay Madaxweynaha Cusub Xasan Shekh Max’ud kuwaa oo inta Badan Maanta ka Socday Deegaanada Galmudug
Dhanka kale waxaa jiray Hambalyo iyo Taagero ay Soo Dirayaan Qaar ka mida Soomalida Ku nool Dalka Dibadiisa iyo Gudahiisaba waxaa Sidoo kale aan ahayn mid ku kooban Deeganada Galmudug Banaanbaxyada Tagerada Madaxweyne Xasan Sh.Max’ud balse waxaa jiray Qaybo badan oo ka mida Gudaha Dalka iyo Dibada oo ay ka dhaceen Dibadbaxyo iyo Dabaaldagyo
Www.hobyonet.com –Galkacyo
Xafiiska Wararka Hobyonet Galkacyo



Recent Comments