|

SULDAANKA BEESHA TUNNI SHANGAMAAS OO U HAMBALYEYE MADAXWEYNAHA CUSUB MUDANE DR.XASSAN SHEKH MAX’UUD

Muqdisho-hobyonet)Suldaan Xassan Suldaan Cumar Suldaan Faqi iyo oday dhaqameedka beesha tunni  5 gamaas (Barawe) oo si wada jir ah ugu hambalyeyey Madaxweynaha cusub mudane Dr. Xassan Sheekh Maxamuud,  guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa.

Suldaanka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan guusha uu gaaray mudane madax weyne Dr, Xassan Sheekh Maxamuud, isagoo tilmaamay in doorashada ka dhacday golaha baarlamaanka ay aheyd mid taariikhi ah oo u dhacday si cadaalad ah oo lagu tilmaami karo mid aan hore loo arag oo xuseysa taariikhda lagu qiyaasay 45 sanadood.

Waxaa halkaasi ku cad in Soomaalia ay cagta saartay is beddel siyasadeed oo dalka ka dhacay taasoo suurta gelisay in Guddoonka Baarlamaanka iyo ku xigenkiisaay muujiyeen wada shaqeyn hagar la’aan ah oo ay u horseedeen in xildhibaanadaay codkooda ku dhiibtaan si cadaalad ah, waxaan leenahay mudane madaxweyne xil adag ayaa ku saaran oo u baahan dulqaad, waanu kuu soo duceyneynaa xilka adag ee laguu ikmaday waan kuugu taageereynaa.

Sidoo kale waxaan u hambalyeyneynaa Guddoonka cusub ee baarlamaanka mudaneProf. Jawaari iyo ku xigeenkiisa oo loo magacaabay xilka culus ee loo dooray in ay ku hogaamiyaan baarlamaanka cusub oo suurta geliyey in doorashada Madaxweynaha  ka dhigaan Muqdisho.

waxaa soo diyaariyey
Hoggaanka Siyaasadda Beesha Tunni Shngamaas (Barawe).

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed