Garoonka Ciyaraha Cawaale ee Magaalada Galkacyo oo Ciyaar Saxibtinimo Lagu Qabtay+Sawiro

GALAKACYO/HOBYONET)Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhacday tartan ciyaareed u dhaxaysa ciyaartoyda labada xaafadood ee Magaalada sida waqooyiga & Koonfurta,ciyaarta ayaa ku qabsoontay jawi degan waxaana ay ka bilabantay garoonka dhanka waqooyi ee Magaalada ee Cawaale,kooxa ay u dhaxayso ciyaartan ayaa da,doodu u dhaxaysaa 12 sano ilaa 14 sano jir waxaana looga golleyahay sidii loo muujin lahaa isdhexgalka iyo xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya dhalinyarada ku nool magaaladdaas.

Bilowgii ciyaartan oo ay kawada qaybgalidoonaan ilaa 8 kooxood ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiinta ciyaaraha labada dhinac,dhalinyarada magaalada iyo marti sharaf kale waxaana halkaas laga dareemay isbadal nabadeed oo ay horsed u tahay dhalinyarada kala duwan ee magaaladda gaalkacyo dhinacay doonaan ha ka yimadeene.
Fikirka iyo talada Ciyaartan ayaa waxaa lahaa nin dhalinyara ah oo lagu magacaabo C/qani Khaliif Carabay ,waxaana uu ca/qani dhalinta ku booriyey in arintaani ay horsed u tahay isdhexgalka iyo mamnuucida fikirka khaldanaa ee ay kala aaminsanayeen dhalinyarada waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo ee ahaa inaan qolona qolo u gudbi karayn.
Ayaanle C/laahi Ducaale waa gudoomiyaha dhalinyarada Maamulka Galmudug waxaa uu si wayn usoo dhaweyey barnaamijka dhalinyarada loogu samaynayo dhiirgelinta iyo xiriirka wanaagsan ee abuuri kara jawinabadeed oo laga gaaro guud ahaan magaaladda Gaalkacyo,waxaana uu ciyaartowda ku guubaabiyey in ay isu xilqamaan sidii gaalkacyo looga dhalin lahaa wado nabdeed tasoo sahli karta isdhexgalka bulshada iyo kobcinta horumarka daweynaha Gobolka.

Gudoomiyaha dhalinyarada & ciyaaraha gobolka Mudug ee dhanka Puntland Cabdi Hodan Cali Dayax leef oo isaguna furitaanka ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyay qaban-qaabiyaha tartankan qiimaha leh, wuxuuna ku dhiiri galiyay inuu sii ballaariyo dadaalka caynkan oo kala ah, isagoo dhanka kalana dhalinta ka qayb galaysa tartanka ku booriyay inay muujiyaan dulqaad, wuxuu si gaar ah fariin taageero oo dhanka dhalinyarada ah u diray ururka Puntland Sports Ilusted oo gacan ka gaysanaya hir-galinta tartankan.
Ciyaarta ayaa lagu furay labada kooxood ee lagu kala magacaabo Ex-wada jir & New Suxufi oo kawada tirsan Groupka A,waxaana ay ciyaartu kusoo dhamatay 2-1 ay guushu ku raacday kooxda New suxufi.
Magaaladda Gaalkacyo oo ay kawada arrimiyaan Maamulada Galmudug & Puntland ayaa magaalo ay ku noolyihiin bulsho kala duwan oo soomaaliyeed.


By:Ali Maalin
Cmaalin17@gmail.com
Hobyonet.com -Galkacyo- Office



Recent Comments