|

Madaxweyne Dr Xasan Sh.” Shaqaalaha Dowladda uma shaqeyneyn Shariif ee qaranka ayey u shaqeynayeen weyna helayaan xuquuqdooda”

Muqdisho-hobyonet) Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Dr.xasan Sh.maxamuud ayaa sheegey in shaqaalaha dowladda ay heli doonaan sidii caadiga ahayd xuquuqdooda ay ka heli jireen dowladdii jirtey ee waxba aysan iska bedeleyn.

Isagoo wareysi siinayey Etv qeybta luqadda englishka ee africa ENCA.COM ayaa waxaa uu madaxweynuhu sheegey in eysan jirin ceyrin uu ceyrin doono shaqaalihii dowladdi uu Shariif sh.axmed Madaxweynaha uu ka ahaa, iyo in la duudsiiyo xuquuqdooda oo uu ku tilmaamay mid suurta gal ahayn.

“Shaqaalaha markii hore uma shaqeyneyn Shariif,maantana aniga iima shaqeynayaan ee Qaranka ayey u shaqeeynayeen iminkana u shaqeynayaan”ayuu ku darey isagoo hoosta ka xariiqey in shaqaale meel laga bedeli karo oo howl kale loo dhiibi karo taasina aysan ahayn in la eryey oo xuquudiisa la duudsiiyey.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley arimaha dagaalka Al-shabaab ay Dowladdu kula jirto, wuxuu xusey in shabaab aysan kala dagaalami doonin oo keliya dhinaca militeriga ee ay qorsjeynayaan inay kala dagaalamaan dhinaca dhaqaalaha iyo diinta fikradaha ay dhalinta ku abuureen oo aan kala dagaalano ayuu yiri.

Madaxweyne Dr.xasan sh.maxamauud ayaa xafladda caleemo saarkiisa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo xarunta Madaxtooyada Villa Somalia,iyadoo wufuud ka socota dalalka caalamka ay soo gaareen Muqdisho,kuwaasi oo ka qeybgalaya xafladda caleemo saarka Madaxweynaha.

 

www.hobyonet.com

 

 

Recent Comments

    Comments are closed