Sidee ayey u dhacdey xaflada caleemo saarkii Madaxweynaha Cusub ee Somalia ( warbixin) + sawiro
Muqdisho-hobyonet)Xaflad si weeyn loo soo agaasimey oo lagu caleemo saarayey Madaxweynaha Cusub ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr.xasan Sh.maxamuud oo ay kazoo qeybgaleen marti sharaf ka kala socotey beesha caalamka iyo dalalka deriska ah, ayaa waxaa lagu qabtey xarunta dugsiga Poliska ee magaalada Muqdisho.
Marti sharaftii xaflada kazoo qeybgashey ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Dowladda aynu walaalaha nahay ee Djabuute Ismaaciil Cumar Geelle,Ra’iisul wasaaraha KMG ee Eithiopia Hailie Mariam desilgn, Bekar Bosdag oo ah la taliyaha madaxweynaha dalka sudan,Marti sharaf ka socotey EU,AU,Jaamacadda carabta,dalalka Kenya,Ugandha iyo Burundi.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley raisul wasaarihii xukuumadii ugu dambeysay ee KMG xildhibaan C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo faahfaahin ka bixiyey howlihii la soo qabtay isagoo xusay in Somalia ay maanta joogto iney dib u laabato iyo iney horey u socoto iyadoo ka faaiideysaneysa fursada dowladnimo ee ay hada heysato.
Sidoo kale waxaa ka hadlay la taliyaha madaxweynaha Sudan, raisul wasaare ku-xigeenka dowlada Qadar iyo gudoomiyaha golaha amaanka ee midowga afrika oo dhamaantood sheegay iney ku faraxsan yihiin Somalia iney yeelato dowlad rasmi ah oo asaageed wax la qeybsata, waxayna blan qaadeen iney taageero ku siin doonaan gudashada waajibaadkeeda.
Raisul wasaare ku-xigeenka Turkiga Bekir Bosdag oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahad celiyey mahad celiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaana uu tilmaamay in uu ahaa shaqsi ka shaqeeyay nabada Soomaaaliya isagoo Madaxweynaha Cusub ugu baaqay inuu asii ambaqaado howlihii ka tegay.
Madaxweynaha Djabuute Ismaaciil Cumar Geelle oo ahaa madaxweynaha keliya ee ka socda Gobolka ee kazoo qeybgala xafladaasi, ayaa sheegey inuu aad ugu faraxsanyahay inuu kazoo qeybgalo caleemo saarka Madaxweynaha cusub isagoo labada masuul ee xilka ku kala wareegeysaba aad ugu mahadceliyey.
Madaxweynihii Xilka wareejiyey ee Shariif Sh.Axmed ayaa isagana halkaasi ka jeediyey qudbad geesinimo ay ku dhehan tahay, wuxuuna soo hadal qaadey wax qabadkiisa iyo dhibaatooyinkii loo soo marey nabadda uu sheegey in la heysto maanta.
Wuxuu si weeyn ugu mahadceliyey Ciidamada qaranka iyo kuwa Amisom oo uu xusey in iyaga la’aantooda aysan suurta gal noqonlahayn in Muqdisho lagu qabto xaflad iyo doorasho Madaxweynenimo.
Ugu danbeyntii waxaa halkaasi ka Hadley madaxweynaha Kursiga loo baneeyey ee Prof.Xasan Sh.maxamuud ayaa halkaasi ka sheegey in dadaalka iminka la gaarey ay ka shaqeeyeen shacabka Soomaaliyeed iyo Xukuumadihii KMG ahaa, isagana uu doonayo in lagu garab istaago howsha culus ee loo dhiibey.
Waxaa uu xusey in muhiimadiisa koowaad ay tahay Amaanka sidii loo xoojin lahaa, iyadoo uu sheegey in horumar aan la gaari Karin iyadoo aan Amaanka la xaqiijinin,sidoo kale dib u heshiisiinta ayuu soo hadal qaadey isagoo balan qaadey inuu bilaabayo sidii horey loogu dhaqaajin lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaaliya.
Xiriirka beesha caalamka ayuu soo hadal qaadey isagoo xusey in muhiim ay tahay in dalalka carabta iyo guud ahaan beesha caalamku ay garab is taagaan dalka Soomaaliya, oo la gaari doono mustaqbalka in dalalka ay dhibaatooyinka ka dhacaan ay Soomaaliya gar-gaarto insha allaah.






Recent Comments