|

Talooyin laga dhiibanayo shaqsiga loo magacaabayo Ra’iisul wasaaraha Dowladda Cusub ee Soomaaliya

Muqdisho-hobyonet)Iyadoo dhowaan magaalada Muqdisho lagu qabtey taariikhda sanado aad u badan kadib Doorashadii Gudoonka baarlamaanka iyo Madaxweynenimo oo ay majaraha u qabteen maxamed C/laahi Jawaarey, iyo Dr.Xasan Sheekh Maxxamuud ayaa waxaa iminka la sugayaa magacaabista Ra’iisul wasaare soo dhisa xukuumad cusub.

 

Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sh.Maxamuud ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabo wasiirka 1-aad ee soo dhisa xukuumad cusub waxaana iminka soo baxeysa talooyin loo jeedinayo Madaxweynaha oo ku aadan inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare aqoon iyo karti u leh wax u qabashada dalka iyo dadka soomaaliyeed,

 

Talooyinka ayaa waxaa ka mida in Madaxweynuhu uusan u eegin hab qabiil ee uu ku socdaa Isbedelka dhacaya oo aan laga hor imaanin,sida isaga iyo gudoomiyaha baarlamaanka lagu soo xuley, waxaana haboon ayaa la leeyahay in ra’iisul wasaaraha uu noqdaa Shaqsi cusub oo aan hore xil u qaban.

 

Sidoo kale talooyinka loo jeedinayo Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah inuusn ku deg-degin soo magacaabista Ra’iisul wasaaraha,ayna haboon tahay inuu la tashiyo la sameeyo xubnaha baarlamaanka,aqoonyahanada dalka,iyo kuwa dibadda ku nool,odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada.

 

Waxaa iminka soconaya tashiyo Madaxweynaha ku doonayo inuu soo magacaaabo Ra’iisul wasaaraha cusub kaasi oo uu horgeyn doono baarlamaanka 275-ka ka kooban,iyadoo ay xusid mudan tahay in maalmihii dhaafey madaxweynuhu la tashiyo la sameynayey xubno ka tirsan, golaha baarlamaanka siyaasiyiin hore,xubno ka tirsan beesha calamka,taasi oo qeyb ka ahayd la tashiyada uu ku doonayo soo magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub oo saacadaha soo socda lagu wado in lagu dhawaaqo.

www.hobyonet.com

Recent Comments

    Comments are closed