|

Manchester united oo sheegtay in ciyaaryahano dhexda ah soo qaadaneyso

Sport-Hobyonet) Kooxda Manchester united ayaa shaacisey inay si weyn u baadi goobeyso ciyaartaoy dhinaca khadka dhexe iyo weerarka ka ciyaarta marka la gaaro bisha janaayo ee 2013 xiligaasi oo la furi doono daaqadda iibsiga ciyaaryahanada qaaradda yurub.

Tababaraha UTD Sir Alex Fergusen ayaa qirey in khadka dhexe ee naadiga uu liito xiligaan,taasi oo ugu wacan dhaawacyada sida isku xigxiga u gaarey ciyaaryahanada naadiga oo todobaad kasta uu xidig ka fariisanayo.

“Waa waajib weyn oo na saaran inaan team-ka ka dhisno dhinacyada ay ka liidato,marka la gaaro January ayeynu suuqa ka soo faa’ideysan doonaa inaga sida ugu macquulsan sameyn doona”ayuu yiri tababaraha reer Scotsh wallow uusan carabka ku dhufan xidigaha ay noqon doonaan kuwa uu kusoo biirinayo Altraford.

Manchester macalinkeeda ayaa sida saxaafadda ay aaminsan tahay diri doona wiilka reer Portuqal ee Nani kaasi oo kulankii gu danbeeyey ee ay kooxda Chelsea ka reebtey Man U Capital One cup lagu eedeeyey inuu sabab u ahaa guuldarada kooxda kasoo gaartay.

www.hobyonet.com

Recent Comments

    Comments are closed