|

Suleymaan Waaberi”Hadii aan qabto xilka k.cagta ee Djabuute waxaan xulka geyn doonaa Somalia”

Djabute-hobyonet)Iyadoo 10-ka bishan lagu wado in dalka Djabuute ka dhacdo doorashada gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee dalkaasi, ayaa musharaxa kaliya ee xilkaa u taagan ee Suleymaan Xasan Waaberi uu sheegey in hadii uu ku guuleysto xilkaa isbedlo badan ka sameyn doono kubada cagta dalka Djabute.

Naadiyada kubada cagta dalka Jabuuti oo ah kuwa leh awooda doorashada ayaa ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada xiriirka dalka Jabuuti halkaas oo sanadihii lasoo dhaafay horumar xaga kubad cagta ah laga dareemayay. Waxaa ay ahayd bishii June ee danadkan markii naadiyada dalkaasi ay sheegeen inay shaqadii ka hakiyeen guddoonkii hore taa badalkeedana ay guddoomiye u doorteen Mr Suleyman,laakiin Fifa ayaa arinkaasi ka hortimid oo sheegtey in Doorasho la qabto.

Musharaxa xilkaasi Suleymaan Xasan waaberi ayaa xusey in marka ay dhacdo doorashadaasi oo uu kusoo baxo uu rajeynayo in dhismaha garoonka kubadda cagta ee Soomaaliya la dhameeyo uu xulka Djabuuti keeni doono dalka Soomaaliya si ay ula ciyaaraan ciyaaro walaaltinimo xulka Soomaaliya.

www.hobyonet.com

Recent Comments

    Comments are closed