|

Real Madrid oo dirqi ku baxsatey,halka Milan,Arsenal,Man City iyo Porto min dhibic ka qaateen Champions league

SPORTS-HOBYONET)Kulamadii afaraad ee dhinaca group-yada koobka xiisaha leh ee horyaalada yurub ayaa xaley intooda badan kusoo dhamaadey bar-bar dhac,iyadoo ay ugu xiiso badneyd kulamadii ay yeesheen kooxaha Groupka dhimashada lagu tilmaamey ee GD.

Real Madrid ayaa dhamaadkii kulanka heshey goolkii bar-bar dhaca ee rajo gelinta markii ciyaaryahanka reer Germany ee Mesut Ozil uu dhaliyey goolkii 2-2 ka dhigey ciyaarta ay Dortmund hogaankeeda heysay mar kastaba.

Isla groubkaasina Man City ayaa 2-2 sidaasi oo kale la dhaafi weysey kooxda reer Holand ee Ajax Amsterdam,taasi oo labada kooxoodba u ah qasaare,maadaama Dortmund iyo Real Madrid ku horeeyaan dhibcaha.

Ac milan oo cadaadis weyn saaranyahay ayaa dhibic nasiib ah ka heshey Malaga oo laga yaaban yahay awooda grubkeedau ku hogaamineysey dhamaan kulamadii la dheeley,waxaana Milan goolka bareejada u saxiixey Pato.

GA
Dynamo 0-0 Fc porto
PSG 4-0 Dinamo Zagreb

GB
Olympiakos 3-1Montpellier
Schalke 2-2 Arsenal

GC
AC Milan 1-1 Malaga
Anderlecht 1-0 Zenit St.

GD
Man City 2-2 Ajax Amsterdam
Real Madrid 2-2 Borussia D.

www.hobyonet.com

Comments are closed