|

Chelsea,Man Utd,Bayer,Juve oo guuleystay iyo Barcelona oo la dharbaaxay + sawiro

Sports-hobyonet)Tababare Vilanova ayaa xareystey guul daradii labaad tan iyo markii uu qabtey xilka Macalnnimo ee kooxda Barcelona,markii xaley kooxda Celtic ay ku jiidey 2-1 ciyaar ku tirsanayd kulamadii 4-aad ee Groupyada koobka horyaalada yurub ee Champions League.

Celtic oo la xusuusto in kulankii Camp nou aaqirkii gool nasiib ku yimid looga soo adkaadey 2-1 ayaa xaley taasi iska soo gudey markii ciyaaryahanada Victor Wanyama iyo Tony Watt labadii qeyb ee kulanka ka dhacay Glasgow ay dhaliyeen goolal,waxaana markii dhamaadka ciyaarta la joogey Barcelona gool usoo celiyey Messi laakiin waxba uma tarin, waxayna lumiyeen fursad ay tikitkooda qeybta 16-ka ku goosan kareen.

Isla groukaasina kooxda Benfica ayaa 2-0 ku martey Spartak Moscow,iyadoo  Cardozo uu labada goolba u dhaliyey kooxda Portuqiiska weliba rigoore iska qasaariyey.

Chelsea iyo Juventus ayaa guulo ka gaarey groupkooda E, iyadoo Chelsea dhamaadkii ciyaarta ay la yeelatey Shakter uu guulka guusha 3-2 u saxiixey Moses oo bedel lagu keenay,halka Juventus 4-0 ku karbaashtey FC Nordsjaelland.

Manchester United ayaa goosatey tikitkeeda wareega 16-ka markii ciyaar xiiso lahayd 3-1 kusoo garaacdey Braga,ciyaaryahanada R.v. Persie ,Rooney iyo J. Hernandez ayaa tobankii daqiiqo ee ugu danbeysey u dhaliyey goolasha kooxda oo hal gool lagala hormarey.

Bayer Munich ayaa nus dersin goolal ah ka dhalisey kooxda Lille oo 6-1 lagu tumay,isla grubkaasi  ayaa F Kooxda Valencia ayaa 4-2 ku garaacdey BATE Borisov.

Comments are closed