|

Xiriirka Ciyaaraha fudud oo furey tartankii 8-aad ee dugsiyada + Daawo sawiro

Sports-hobyonet)Xaflad si weyn loo soo agaasimey oo lagu maamuusayey furitaanka ciyaaraha fudud ee dugsiyada G/banaadir ayaa lagu qabtey gudaha garoonka Banaadir ee Muqdisho,iyadoo Madax ka kala socdey Gudiga olombikada iyo xiriirada kala duwan ay goob joog u ahaayeen furitaankaasi.

Ka sokow boqolaal taageerayaal ka kala socdey dugsiyada 30-ka gaaraya ee tartanka ka qeybgalaya, ayaa waxaa sidoo kale Madaxdii xafladda u soo xaadirtey ka mid ahaa, Odeyga Khabiirka ah dhinaca Sportiga Xaaji Maxamed Axmed Coloow,Ku xigeenka GOS Xasan Axmed Cabdi,Gudoomiyaha X.S.K.C Cali siciid Guled,X.K.Koleyga Ibraahim Xuseen Cali ¬¬Roombo) X.K.Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow) Xoghayaha GOS C/laahi Axmed Tarabi iyo Marti sharaf kale.

Marwo Khadiijo A.Dahir oo ah ku simaha gudoomiyaha x.s.c.f ahna ku xigeenka xiriirka ayaa ugu horeyntii halkaasi ka jeedisey qudbad ku saabsan furitaanka tartanka sideedaad ee dugsiyada gobolka,iyadoo xustey in xiriirku had iyo jeer isku howlo in howlihiisa si caadi ah u socdaan,ayna qabtaan dhamaan tartamadii looga bartey.

“Maanta waxaan u joognaa tartankii 8-aad ee dugsiyada oo aad arkeysaan inay dugsiyadu si weyn isugu soo diyaariyeen,waxaana tartanka ka qeybgalaya ilaa 30 School oo gobolka Banaadir ku yaala sida hortiina muuqata” ayey tiri Marwo Khadijo oo intaa ku dartey in markii ugu horeysey howsha tartanka ay si Mutudawacnimo uga shaqeynayaan Ardey dhigata Jaamacadaha dalka.

Tartankan waxaa lagu tartami doonaa dhamaan noocyada ciyaaraha fudud sida 100M 200M,400M 800M ilaa 3000M sidaasi darted howsha xiriirka ee sanadkan wey sii socon doonaan,waxaana tartanka oo dhamaanaya 21-ka November maalinta Macalinka soomaaliyeed,kadib aynu ku xijin doonaa Horyaalkii iyo koobkii koobabka ee Jebneraal Daa’uud ayey kusoo xirtey Khadiijo Daahir oo hadalka kusoo dhoweysey Madaxda GOS si ay u furaan tartanka.

Xasan Axmed Xasan Elman oo ah ku xigeenka Gudiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa halkaasi si weyn ugu amaaney xiriirka ciyaaaraha fudud oo uu qirey inay dadaaal muujiayaan mar walba,taasina GOS ay si weyn ula socoto.

Waxaa uu ciyaartoyda ka qeybgaleysa tartanka kula dardaarmey inay dadaalaan dhinaca asluubta iyo kartida,isagoo ku dhawaaqey in tartanka 8-aad ee dugsiyada G/Banaadir uu furan yahay.
Tartanka oo socon doona ilaa 21-ka bisha ayaa waxaa ilaa iminka lagu tartamaya qeybta wiilasha 100M iyo 400M halkaasi oo ay kasoo bexeen ciyaaryahano mustaqbal ku leh qeybta orodadad ee ciyaraha fudud sida Madaxdii daawaneysay iyo Macalimiintu ay khireen.

C/xafiid C/samad zaciimka
Zaciimka02@hotmail.com

Recent Comments

    Comments are closed