|

Man utd iyo Chelsea oo jab culus la kulmey iyo Man city oo la wareegtey hogaanka Premier league

Sports-hobyonet) Hogaamiyaashii horyaalka premier league England. Ee Manchester united ayaa dhinaca dhulka loo dhigey markii kooxda Norwich city kaga adkaatey 1-0.

Ciyaarta oo aad u xiiso badneyd ayaa kadhacdey garronka kooxda Norwich iyadoo daqiiqadii 60aad ay goolka qura ee Lagu quusiyey Man U laga dhaliyey markii madax uu Ku dhameystirey kubad kroos ahayd xidiga lambarka 12aad u sitey Norwich.

Man utd tababaheeda Ayaan waxba reeban oo garoonka wada keenay dhamaan laacibiinta qibradda lahaa iyo kuwii yar yaraa intaba laakiin Gool celiyaha Norwich ayaa ahaa geesiga garoonka markii dhowr fursadood oo Man sameysay uu bad baadiyey, natiijadan ayaa ka dhigan in Man city la wareegto hogaaminta horyaalka markii ugu horeysay iyagoo goolal 5 gaaraya kusoo guuleystey.

Kooxda Westbrom wich ayaa sidoo kale jooga karidey kooxdii Chelsea ee awooda is bideysay markii 2-1 kusoo macsalaameeyeen taasi oo kadhigan in tababare De matteo furihii guusha uu ka lumey bishan November.

Arsenal waxay guul weyn ka gaartey kulankii London derby ee ay tottenham la qaadatey, iyadoo kaga adkaatey 4-2 xidigihii hore ee Gunners sida Thiery Henry iyo Sol cambel ayaa kamid ahaa dadkii ciyaarta daawanayey.

By zaciimka hobyonet

Comments are closed