|

Ajeeloow”Kooxdeyda DBG wey ku guuleysanaysaa horyaalka sanadkan insha allaah”

Sports-hobyonet)Tababaraha kooxda DBG Macalin Ajeeloow ayaa sheegay in xili ciyaareedka socda ay ku guuleysan doonaan horyaalka heerka sadexaad ee dalka,markii guul weyn ka gaareen kulankii 2-aad ee wareega 2-aad ee horyaalka oo Muqdisho ka soconaya.

Tababare Ajeeloow ayaa iiga waramey kulan xiiso badnaa oo kooxdiisa 4-2 uga badisey kooxda Gasco,taasi oo ay ku xaqiijiyen inay weli kooxdiisu tahay tan ku keli ah hogaaminta horyaalka oo 24-dhibic ka urursadeen.

“Kulamadii aan soo ciyaarney dhamaaan hal kulan ayaa nalaka badiyey,taasi oo ku timid markii ciyaaryahano dhowr ah dhaawacyo iyo ganaax ay ku kala maqnaayeen,laakiin wixii ka danbeeyey kooxdu si weyn ayey iskula jaanqaadeysaa”.ayuu yiri.

Waxaa uu soo hadal qaadey Tayada ciyaaryahanada uu heysto,isagoo hoosta ka xariiqey n DBG ciyaartoyda u dheesha ee uu gacanta ku hayo inay yihiin ciyaaryahano dhinac walbaka dhisan,hadii ay ahaan lahayd Tababarka kubadda cagta iyo dhinaca aqoonta iyo aadaabta,isagoo raaciyey in inta badan ciyaartoydiisu ay yihiin kuwo jaamacado dhigta.

Ugu danbeyntii waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in qaar ka mida xidigihiisa loogu yeeri doono xulka kubadda cagta ee Somalia,maadaama uu heysto xidigo Tayo wanaagsan leh oo mustaqbal ah.

Kooxda DBG ee uu Macalin Ajeeloow Hogaamiyo ayaa waxaa dhinaca (Sponser) u ah Heyadda Daryeel  Bulsho Guud oo magaceeda ay ku ciyaaraan.

   C/xafiid Zaciimka

Comments are closed