|

Shacabka Galmudug oo wax laga Xumaado Ku tilmaamay Afduubka iyo Dilalka Dadka Shacabka ah ee ka soo Kala Jeda Puntland iyo Galmudug

(GALKACYO-HOBYONET)Shacabka ku nool Magaalada Galkacyo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Talabada afduubka ah ee ay samaynayan Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyo beeledka ka soo jeeda Galmudug ,

Ururada Bulshada Galmudug ayaa ugu baaqay Maamulada Galmudug iyo Puntland in ay wax ka qabtaan dadka wax Ma garatadaa ee falalka dilka iyo afduubyadaa ka wada Magaalada .waana in laga hor tagaa loona istaaga sidii wax looga qaban lahaa .

Shacabka Gobolka ayaa sheegay in ay Nabadu tahay mida kaliya ee lagu noolyahay ee aysan dan Cidna u ahayn Fowdo ka dhacda Galkacyo .

Dhamaan Shacabka Galmudug ayaa Si wada jir ah uga Xumaaday falalka ka Socda Magaalada iyagoona ka codsaday in wax kasta ay Masuuliyinta Maamuladu ku dhameeyan Wadahadal ee aan laga marin dhanka is jiid jiidka laguna beerin qabiil umada walaalaha ah ee wada daga Gobolka.

Xafiiska Wararka Hobyonet.com

Cmaalin17@gmail.com

W/D:Cali Maalin Nur  

 

Recent Comments

    Comments are closed