|

Bucadbadeed Sii daysay Badmaaxiyaal u dhashay Kuuriyada konfureed

XARARDHEERE:-HOBYONET.COM)Kooxaha Burcadbadeeda Soomalida ayaa Sii daayay 4Muwaadiniin u Dhalatay Wadanka Koofurta Kuuriya,kadib Markii  Sida La sheegay ay ka qaateen Lacag Madax furasho ah oo aan la shaacin Cadadkeeda,Balse warar Hoose oo aan ka helnay Ilo Xog ogaal ah ayaa sheegaya in ay burcadbadeedu qaadatay Aduun lacageed oo gaaraya 3Million oo Dooralka maraykanka ah .

Siidaynta  afartan lahayste ee Maanta Dib loo siiyey xoriyadooda ayaa waxaa Gacan Ka gaystay Dowladda Somaliya oo Suura galisay in Si Nabada ay Dib xoriyadooda ugu helaan,

Kooxdan Burcadbadeeda Soomalida ah ayaa sanadii 2011 ka soo qafashay Markab laga Lahaa Dalka Kuriyada konfureed kaa oo ay La socdeen.shaqaale gaarayay 25 waxayna Burcadu heshiis la gashay Shirkadii Lahayd Markabkaa oo ay isku af garteen in ay sii daynayaan Markabka iyo Dhamaan Shaqaalaha Saaran,Balse taa Ma miradhalin oo kooxdii burcadbadeeda ahay waxay ka baxeen heshiiskii,iyagoona Markabka kala Dagay 4ruux oo u dhashay konfurta kuuriya kadib Markii ay Qaaten Madaxfurasho Laga siiyay Markabka,waxayna siidayen xiligaa Markabkii iyo 21shaqaale  Dhamaadkii 2011 kii ,

Afartan badmaax ay sii daayeen Bucadbadeedu ayay gacanta ku hayeen in ka badan 18bilood,waxaana Maanta loo dhoofiyay Wadanka Kenya kadib iskaashigii ay sameeyen Shirkadii lahayd Markabkii lagala haray iyo Dowlada Soomaliya .

Www.hobyonet.com :-Xarardheere

 

Recent Comments

    Comments are closed