|

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo Galkacyo Siweyn loogu Soo dhaweeyay+Sawiro

GALKACYO-HOBYONET)Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Galkacyo Airport Si weyn loogu soo dhaweeyay ,Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid .

Soo Dhaweynta Madaxweynaha Ayaa Waxaa ka qayb qatay Masuuliyinta Galmudug Sida Qar ka mida golaha Baarlamanka iyo Golaha Wasiirada,Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawishta iyo Buliiska Galmudug iyo xubno Kale oo ka tirsan maamulka ,iyo shacabka Qaybihiisa Kala Duwan .

Dadweynaha Ka qayb Qadanayay Soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa tubnaa Wadooyinka Magaalada iyo Xaafadaha,waxayna ruxayen calanka Somaliya iyo Caleemo Qoyan oo ay ku muujinayeen Sida ay u tagersanyihiin Dowlad Goboledka Galmudug.

Ka hor inta uusan Madaxweynuhu Soo gaarin Garoonka Galkacyo Airport ayay dadweynihii u diyar garoobayay Soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxay soo bandhigeen Heeso soo dhaweyn ah ,ruwaayado iyo Sugaan kale oo ay ku  mujinayen sida ay uga go,antahay rabitaanka Galmudug iyo Madaxdeeda,

Kolkii ay Soo cagadhigatay Diyaaradii siday Wafdiga Madaxweynaha ayaa Waxaa gudaha garoonka soo Buux dhaafshay Dadweyne farabadan iyo ciidamada Buliiska iyo daraawishta Galmudug ,wuxuuna Madaxweyne Cabdi Qaaybdiid Salaan ka Qaatay Cutubyadii ciidanka ahaa ee garoonka ku soo dhaweeyay,isagoo sidoo kale Gacan Qaaaday Dhamaan Shacabkii ku sugnaa garoonka Galkacyo ee Magaalada Galkacyo.

Waxaana Madaxweynaha  iyo Wafdigii la socday loo soo galbiyay Magaalada,kadibna wuxuu goob fagaaraa kula hadlay Shacabka,isagoo ugu horayn u mahad celiyay Shacabkii iyo Masuuliyintii Qoraxda taagnaa,Madaxweyne Qaybdiid ayaa Sheegay in uu Madaxda Dowlada Somaliya Salaan uga wado Galmudug ayna Xoojin doonan xiriirka Galmudug iyo Dowlada Soomaliya,dhanka kale Wuxuu ka hadlay dadka ay Kala afduubteen Puntland iyo Galmudug isagoona ugu horayn reer Galmudug kula Dardarmay in ay joojiyan Falalka foosha Xun ee Amniga Qalqal galinaya isla Markaana Si ugu haboon loo Soo dayn doono dadka Shacabka ah ee ku afduuban Dhanka Galmudug ee Magaalada Galkacyo .

Sidoo kale Maxadweyne Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa  ugu baaqay maamulka Puntland in ay Si shuruud La,aan ah ku Soo daayan C/risaaq Xuseen Tahliil oo Dhawaan ciidanka Puntland ka afduubteen suuqa Magaalada Galkacyo ,wuxuuna sheegay in Masuuliyinta Puntland ay Si Deg Deg ah u soo Daayan Muwaadininta U dhashay Galmudug Hadii denbi ay leeyihiin iyo hadii kaleba ,sababtoo ah Galmudug Laga Xukumo Garoowe ,iyo Meelo kale Sidaa darted waxaan Maamulka walaalehena ee Puntland ka rabnaa in ay ka shaqeeyan Nabadgalyada iyo daris wanaaga waa Sida uu Yiri Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid  Madaxweynaha Galmudug .

Imaatinka Madaweynaha Galmudug iyo wafdigiisa ayaa Ku soo aadaya Xili baryihii u denbeeyay Magaalada ka jireen Xaalado Amaan Xumo iyo afduubyo loo gaysanayay dad rayid ah,waxaana la filayaa in uu Wax weyn ka Badalo Habka maamul ee hada wax ku Socdaan,lana dhameeyo xiisadaha Ka taagan magaalada ee salka ku Haya Kala afduubka Shacabka Magaalada ,Madaxweynaha ayaa Socdaal ku tagay Wadanka  Kenya iyo Magaalada Muqdisho baryihii u denbeeyay uu Ku Sugnaa Walow uusan ka hadlin wax badan oo ku aadan sababihii uu u joogay Muqdisho iyo Waxyaabihii ay Ka wada hadleen masuuliyinta Dowlada Soomaliya.

 

 

 

Tifatiraha Guud ee Hobyonet.com

Cali Maalin Nur  

Cmaalin17@gmail.com

Tell:25290647333

Recent Comments

    Comments are closed