|

War Deg Deg Ah :Dagaal qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka dhacay Deeganka Kaxandhaale ee Degmadda Galinsor.

GAL-GADUUD/HOBYONET)Dagaal u dhexeeya Maleeshiyo beeled ood wadaag ah ayaa Ka dhacay duleedka deegaanka  kaxandhaale oo qiyaastii 70KM uga began Dhinaca Waqooyi  Degmada Galinsoor ee Gobolka Gal-gaduud.

Iska hor imaadka dhexmaray Labada Maleeshiyo Beeled ayaa sababay Dhimashada 2ruux iyo dhaawaca 3kale oo ka wada tirsan garabyadii ay dirirto dhexmartay ,dagaalka oo dhacay barqanimadii Maanta ayaa sida wararka Hordhacaa sheegayaan wuxuu ka dhashay ,muran la xariiray ceel biyoodyo ku yaala Deegaankaa oo ay wada Dagaan labadaasi beelod ee Walaalaha ah kana Soo Kala Jeeda Cadaado iyo Galkacyo.

Waxaa sida wararku nagu soo gaarayan Lageeyay Magaalada Cadaado Dhaawacyadii ka dhashay isku dhaca lamina oga sida xaalku hada yahay wallow ay goob jooga yaal u sheegen Hobyonet.com in ay ku baxeen Odayaal iyo wax garad ka soo jeeda labada dhinac ee Dagaalamay.

Dirirta dhexmarta dadka xoola dhaqatadaa ayan ahayn markii ugu Horaysay balse ay Mararka qar dhacaan .dagaalo ku salaysan Daaq iyo Ceelasha ay ka cabaan dadka Xoola dhaqatada ah .

Recent Comments

    Comments are closed