|

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Oo Kawarbixiyey Kulan Uu Laqaatay Dhigiisa Dalalka Jabuuti Iyo Ethopia

Muqdisho:-Hobyonet.com:-Wasiirka difaava ee dowlada Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo uu la soo qaatay dhigiisa wadanka Jabuuti iyo Waliba Ethiopia xili uu safar ku tagay labadaasi dal.

C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay wasiiradaan in uu kala soo hadlay sidii ay u taageeri lahaayeen dowlada Soomaaliya gaar ahaan ciidamada qalabka sida iyo waliba dib u dhiskooda.

Wasiirka ayaa sheegay in labadaasi dowladood ay Soomaaliya ka taageeri doonaan dib u dhiska Ciidammada Qalabka sida iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab ee ku kacsan dowlada.

Sidoo kale C/xakiin Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya  oo qeyb ka ahaa wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya ee soo booqday waddamada Jabuuti iyo Ethiopia ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladahaan ay balanqaadyo fiican ay u sameeyeen Soomaaliya.

Labadaan dowladood ayaa soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo in kastoo ciidamada Ethiopia aysan qayb ka ahayn ciidamada AMISOM ee howlgalka u jooga Soomaalia, hase ahaatee dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadaan ay taageerayaan dowlada Soomaaliya ayna ka caawinayaan dadaalka xal u helida Soomaaliya.

Recent Comments

    Comments are closed