|

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qaybdiid oo Kulan Laa Yeeshay Haweenka Galmudug (Sawiro

GALKACYO-HOBYONET)Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa Maanta Kulan kulayeshay  Hotelka Embassy ee Magaalada Galkacyo haweenka Galmudug iyo Dhamaan Ururada Haweenka.

Kulanka Madaxweynuhu la qaatay haweenka Galmudug ayaa ahaa mid uu ugu soo bandhigayay Haweenka Galmudug wax qabadkii Dowladiisa ee Mudadi yarayd ee ay dhisnayd iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay safaradii uu ku tagat dalka Dibadiisa iyo Sidookale howlaha horyaala Xukuumada Cusub,Wuxuuna Dhamaan bulshadii ka soo qayb gashay kala hadlay in looga baahanyahay gacan ka gaysiga sidii loo hormarin lahaa Dhamaan deeganada Galmudug ,isla markaana looga hortagi laha dadka amaan darada kawada magaalada,Maadadama haweenku yihiin kuwa Midka xun iyo kan fiicanba iyagu Dhalay ama la dhasheen .

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Bulshadii madasha joogtay in ay muujiyaan isku xirrnaan iyo wax qabsi Muuqda lana shaqeeyan Dowlada,isagoo xusay in Galmudug bulshadu dhisatay markastana ayaga masuuliyada loo hayo.

 

Kulanka Maanta Madaxweynuhu la qaatay Haweenka Galmudug ayaa Qayb ka ah kulamo uu Doonayo in uu dhamaan la qaato qaybaha kala duwan ee Galmudug sida uu sheegay,waana kulan kii 2aad ee uu Madaxweynuhu La yeesho qaybaha Bulshada tan iyo Kolkii uu Dib ugu soo laabtay Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

 

Tifatiraha Guud ee Hobyonet.com

Cali Maalin Nur  

Cmaalin17@gmail.com

Tell:25290647333

Comments are closed