|

Wafdi uu Horkacayay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo la weeraray

Muqdisho/Hobyonet)Kolonyo uu la socday wafdigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa mar kale maanta jidka loogu galay nawaaxiga deegaanka Shalanbood ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wafdiga oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Garsoorka, Xildhibaano iyo Taliyaasha ciidamada ayaa xalay ku hoyday magaalada Marka, iyagoo la kulmay qeybaha bulshada iyo maamulka Gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay weerarka, isagoo xusay in kolonyada wafdiga uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha wadada loo galay.

“10-daqiiqo mar ay sii maqnaayeen ayaa wadada loo galay, waxaa gaari ay saarnaayeen ilaalada taliyaha booliska Jen. Shariif Sheekhuna Maye lala eegtay qarax, waxaa isoo gaartay in afar dhaawac garaabo yihiin, kadibna waxaa qabsaday dagaal socday labaatan daqiiqo”ayuu yiri C/qaadir Siidii.

C/qaadir Siidii ayaa sheegay in weerarkan uu yahay kii labaad oo 24-saac gudahood lagu qaado Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka wafdiga uu hogaaminayay, isagoo tilmaamay in xalay la weeraray saldhig ciidamada AMISOM ku leeyihiin Shabellaha Hoose.

Si dhab ah looma oga qasaaraha dagaalka, iyadoo la soo sheegayo inay jiraan dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco  Hobyonet.com

Comments are closed