|

Madaxweynaha Galmudug Jen.Cabdi Qaybdiid iyo Ururada Dhalinyarada Galmudug oo kulan yeeshay (Sawiro

GALKACYO/HOBYONET)Magaalada  Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa Kulan kuwada Qaatay dhamaan Qaybaha ururada dhalinyarada Galmudug iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan  Cawaale Qaybdiid wuxuuna ugu horayn kulnka kaga hadlay  sidii ay dhalinyaradu uga qayb qadan lahayd horumarka Maamulka iyo Amniga iyo Sidookale in ay Door weyn ka Ciyaaran dhalinyaradu sidii qayb uga noqonlahayen  Dadaalka lagu doonayo in Xaruumaha Dowlada Galmudug lagu dhiso.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in ay ka wacyi galiyaan dhalinta kale ee ku howlan falalka Buracadbadeednimada ah ee ay caadaysten kuwaa oo uu ku tilmaamay Madaxweynuhu in ay yihiin kuwa dhumay oo maamulka hada ku guda jiro sidii loo dhaqan celin lahaa ayna dhamaatay xiligii esha laga fiirsanayay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xusay in Galmudug gashay isbadal cusub oo dhanka horumarka  balse ay Dhawaan ku talabsandonan sidii wax looga qaban lahaa dhinaca amaanka oo dhawaanahan ay ka jirtay xogaa qolqolotoyin ah hada kadibna aysan dhici doonin in wiil kasta uu sameeyo wuxuu doono howshuna ay u taal dhamaan shacabka Galmudug in ay falalka Xun xun ka hortagaan dadka samaynaya.

Dhanka kale waxaa isna Madasha ka Hadlay  Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Axmed Shariif Cumar max’ud  oo dhawaan Madaxweynuhuu magacaabay xilkaa wuxuuna ka hadlay waxyaabaha looga baahanyahay Dhalinyarada Galmudug oo uu xusay in uu ka tirsan yahay ka shaqaynta Nidaamka Dowliga ah kor u qaadista Waxbarashada,Caafimaadka iyo Dhamaan Horumarinta Dalka Axmed Shariif ayaa sheegay in Wasaaradiisu waxbadan ka qaban doonto Howlaha loo igmaday .

Kulanka oo ahaa Mid ay Si wadajira uga soo qayb Galeen Ururada Dhalinyarada ee Galmudug ayaa waxaa Goobta fikiro muhiim ah ku soo Bandhigay qar ka mida Dhalinyaradii Madasha joogtay waxaana Hadal gooban oo waano iyo gabay Duco ah ka soo jeedshay Gudoomiyihii Hore ee Daladda Dhalinyarada Galmudug ee Badbaado C/raxmaan Macalin (Nadaara) oo marka hore u duceeyay dhalinyarada kale ee walaalahooda kuna jira Falalka Isbaarada iyo burcadbadednimada ah sidoo kalena dhamaan dhalinta Galmudug kula Dar daarmay in ay muhiim tahay Gacan ka gaysashada Dhismaha Xaruumaha Dowlada .

Kulamkan ay wada qaaten Madaxweynaha Galmudug Cabdi qaybdiid iyo Dhalinyarada ayaa noqonaya kulankii labaad ee uu la qaato Madaxweyne qaybdiid kadib safarkii uu 1dii bishan kaga yimid Magaalada Muqdisho wuxuuna Maalintii shalay ahayd Sidoo kale la kulmay Ururada Haweenka Galmudug Madaxweynaha ayaa baryanba waday qorshe uu ku doonayo in uu Shacabka iyo qaybaha kale ee Galmudug kaga dhaadhiciyo hanaanka Galmudug ku shaqaynayso iyo sidii ay u samaysan lahayeen nidaam ay ku aruurshan lacagaha lagu taagerayo Dhismaha xaruumaha Dowlada Galmudug .

 

Hoyga Wararka Galmudug iyo Caalamka  Hobyonet.com

Tifatiraha Guud ee Hobyonet.com

Cali Maalin Nur  

Cmaalin17@gmail.com

Tell:25290647333

Comments are closed