|

Madaxweynaha Somaliya iyo Wafdi uu Hogaminayo oo Gordhow u anbabaxay Wadanka Turkiga (Warbixin)

MUQDISHO/HOBYONET)Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ka dhoofay magaalada Muqdisho,ayagoo ku xii jeeda wadanka turkiga.

Wasiirka Arimaha Dibada ee xukuumada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan oo ka mid ahayd wafdiga madaxweynaha oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in casuumaad rasmi ah ay ka heleen dowlada Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in wadankaasi Turkiga uu kula kulmay masuuliyiinta ugu saraysa dowlada wadankaasi isla markaana ay kawada hadlaan arimo badan.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa wafdiigiisa waxaa qayb kahaa wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, wasiirka gaashaandhiga,wasiirka maaliyada, iyo waliba masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan waxaana dowlada Turkiga ay mashaariicbadan ay ka wadaa wadanka Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay wadanka turkiga ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago wadan ka tirsan Yurub tan iyo markii bishii September lagu caleemo saaray magaalada Muqdisho.

Recent Comments

    Comments are closed