|

Taliyaha Ciidanka Taraafikada Soomaliya Jen.Cali Gaab oo Goor dhow la dhaawacay

MUQDISHO-HOBYONET)Taliyaha ciidamada nabadgalyada wadooyinka dowlada Soomaaliya Cali Cabdi Bare (Cali Gaab) ayaa dhaawac dhinaca lugta ah uu soo gaaray goor dhow.

Dhaawaca taliyaha ayaa waxaa la dhigay isbitalka Daarushifa ee magaalada Muqdisho, halkaas oo haatan dhaawaciisa lagula tacaalayo sida ay sheegeen maamulka isbitalka.

Maamulka Isbitalka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay dhaawaca taliyaha in uu yahay mid fudud isla markaana uu ka dhaawacanyahay oo kaliya lugta Midig, waxaana haatan la sheegayaa in caafimaadkiisa uu wanaagsanyahay.

Macada sida uu dhaawaca ku soo gaaray taliyaha ciidamada Nabadgalyada wadooyinka Cali Gaab, inkastoo wararku ay sheegayaan in askari ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya uu dhaacay taliya.

Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dowlada Soomaaliya oo ku aadan dhaawaca soo gaaray taliyahaan ka tirsanaa dowlada Soomaaliya.

Wixii ku soo kordha Www.hobyonet.com  kala soco

Comments are closed