|

Galmudug State oo Xaafiis ka furatay Caasimada Soomaaliya Muqdisho

 

 Wakiilka Cusub ee Xafiiska mogdisho Galmudug State oo war saxaafadeed soo gaarsiiyey Hobyonet.com warsaxaafadeedka oo ka hadlaya sida uu u shaqayndoono xafiisku iyo waxa uu u qabanayo bulshad galmudug ayaa u qornaa sidan

Akhiyaarta reer Galmudug ee ku jirta emailadaan waxaa la idinkugu bishaareynayaa in xaafiiska wakiilka uga noqonaya hawlaha ee magaalada Xamar iyo Dowladda Federaalka laga furay magaalada Xamar, KM6.(Daawo sawirada).

Qaar ka mid ah hawlaha Xaafiiska:

1- Xiriika Galmudug iyo Dawladda dhexe

2- Xiriika Jaaliyadda debedda ee Galmudug iyo dowladda Federaalka

3- Soo dhaweynta iyo u fudueynta hawlaha Madaxda Galmudug ee imaaneysa Xamar inta ay joogaan.

4- Soo dhaweynta wufuudda u socota Galmudug iyo tartiibinta hawlahaooda wufuudda debedaha ka socota ee Xamar soo mara.

5- Wacyi galinta, uruurinta iyo kaalmeynta Bulshada reer Galmudug ee Xamar ku sugan.

6- Iyo wixi kale ee looga baahdo danna u ah Dawladda Galmudug, dadkeeda iyo deegaankeeda.

Wakiilka Galmudug ee Dawladda Federaalka ah waa:

CUMAR CALI WEHELIYE, email: weheliye2@gmail.com

Tel: 00252618471598 /00252699726644

Xaafiisku wuxuu yeelan doonaan lamber teleefoon oo Yurub iyo Wuqooyiga Mareykanka looga soo wici doono lacag la’aan, waana la idiin so gudbin doonaa haddii alle idmo.

Xaafiiskuna wuxu furnaan doonaa maalmaha Sabti—-Arbacada saacadda 9:00 —-17:00

Khamiista: 9:00—–12:00

Jimce: waa xiran yahay.

Xaafiiska waxaa socota diiwaan galintiisi ee Dawladda Federaalka ah si ay u aqqonsato wixi ka soo baxa xaafiiska.

Madaxa Xaafiisku Galmudug ee Xamar Mudane Cumar Cali Weheliye wuxuu mahad naq gaar udirayaa Siciid Xasan Sabriye oo deggan London iyo C/risaaq Sarcad oo deggan Stockholm oo kaalin aan la ilaawi karin ka qaatay furitaanka Xaafiiska.

Xaafiisku wuxuu reer galmudug siin doonaa caddeyn wixii ay u baahdaan oo u fududeynaya danaha ay ka leeyihiin xaafiisyada Dawladda Federaalka.

Xafiiskani wuxuu kula socodsiinayaa xaladda dhabta ah ee kajira DEEGAANKA GALMUDUG si waxyaalaha been abuurka ah aad uga digtoonaato

 Wakiilka Hobyonet.com Galkacyo Galmudug state Cali Maalin Nuur

Cmaalin17@gmail.com

 

 

 

 

 

Comments are closed