Baaralamanka Galmudug oo ansixiyay Wasiir Cusub oo Dhawaan Lamagacabay

GALKACYO/HOBYONET)Golaha Baarlamanka Galmudug ayaa Maanta yeeshay kulan ay codka kalsoonida ugu qaadayeen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Axmed Shariif Cumar Max’ud oo dhawaan uu Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid u Magacaabay Xilkaa .
Wasiirka ayaa manta Hortagay Golaha Baarlamaanka Galmudug si uu Uga helo Codka Kalsoonida ah waxayna baarlamanku ka Dooden Sidii ay u siin lahayeen Codka Balse inta aysan Baarlamaanku u qaadin Codka ayay waxay ka codsadeen Wasiirka in uu soo bandhigo Wax qabadkiisa ku aadan Wasaarada Loo igmaday wuxuuna Axmed Shariif Soo gudbiyay Wax qabadkiisa ku aadan Wasaarada Xanaanda Xolaha Dhirta iyo Daaqa isagoo Baarlamaanka ka hor jeedshay qudbad ku aadan hanaanka uu umaamulayo Wasaarada hadii ay kalsoonida Siiyan .
Baarlamaanka Galmudug oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamanka Xasan Max’ud Hayl ayaa bilaabay in ay u Qaadan Codka kalsoonida ah iyadoo ay Madasha xaadir ku ahayeen 23mudane waxayna Dhamaan Ansixiyeen Wasiirka Cusub kadib markii ay Codka kalsoonida Siiyen Dhamaan Mudanayaashii Soo xaadiray Kulanka .
Wasiirka Cusub ee Maanta La ansixiyay ayaa Noqonaya Wasiirkii 13aad ee uu Magacaabo Madaxweynaha Galmudug jen.Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyadoo Dhamaantod la horgeeyay Golaha Baarlamaanka Galmudug Si ay u ansixiyaan Ama u diidan balse way wada ansixiyeen Xubnihii Wasiirada ee uu Dhisay madaxweyne Qaybdiid .
Hoyga Wararka Galmudug iyo Caalamka Hobyonet.com
Tifatiraha Guud ee Www.Hobyonet.com
Cali Maalin Nur
Nagala Soo Xiriira Wixii Warar iyo Talo ah
Tell:25290647333



Recent Comments