|

Musharax C/raxmaan Sh.Maxamed Gablax oo Kulan La qaatay Haweenka Gobolka Mudug ee Puntland

GALKACYO/HOBYONET)C/raxmaan Sh.Maxamed Gablax ayaa markale ku cel celiyay in Puntland aan cidi kaxigin Hadii aan doorasho rasmi ah la qaban 8 jan 2013 oo ku began xiligii caadiga aheyd ee doorashada puntland la qaban lahaa.

 

Hadalkan ayuu qablax markale kasheegay kadib Casumaad uu ka helay Ururada haweenka kaasi oo ahaa mid ay su aalo ku weydiinayeen laxiriira Fulinta Balan qaadyada inta badan Musharixiintu ay ku soo cel celiyaan inta ka horaysa doorashada,

 

 

C/raxmaan Sh.Maxamed Gablax ayaa waxaa uu u muuqanayaa musharaxa kaliya ee sida bareerka ah uga hadlay muda kordhinta xiliga doorashada Puntland oo xukuumada hada jirtaa ay mudo sanad ah ku darsatay iyadoona sheegtay in ay sanadkaasi ku dhaqan galinayaan Nidaamkii axsaabta oo mudo Puntland ay ku taamaysay

 

 

Mudane Gablax ayaa sheegay in nidaamka axsaabta uu yahay mid loo wada baahanyahay horumarna uu keenikaro balse xiligan aysan suuragal noqon Karin marka loo eego mudada u harsan xukuumada iyo xitaa sanadka ay sida cilmiyeysan ugu darsanayaan

Waxaana uu sheegay in loo baahan yahay axsaabta kahor in tira koob lagu sameeyo bulshada reer Puntland taasina xitaa aysan sanad ku dhamaankarin maadaama gobalada puntland ay qaarkood wali maqan yihiin una baahan yihiin in laga arinsado

Isimada iyo nabadoonada ayuu ugu baaqay Musharax C/raxmaan Sh.Maxamed ( Gablax) in ay caqligooda saliinka ah uga aramiyaan dhibaatooyinka ku soo fooleh Puntland ayna yihiin kuwa kaliya ee samata bixin kara, hadiisa lagaaro 8 jan 2013 ayuu sheeegay in aysan jirin cid kaxigta Puntland xukuumada hada jirtana uusan aqoonsaneyn.

 

Xafiiska Wararka Hobyonet.com

Galkacyo-Office Kala Xiririir

cmaalin17@gmail.com

Ama Tell:252678647333

Recent Comments

    Comments are closed