|

Ciidanka Daraawishta Galmudug oo Howlgal Dad ku Dhinteen ka Sameyay Wadada Isku Xirta Galkacyo iyo Galinsor(Warbixin)

GALKACYO/HOBYONET)Hal ruux ayaa ku geeriyooday 3kalena way ku dhaawacmeen kadib howlgal  Balaaran oo ay qaadeen Ciidanka Daraawishta Galmudug .

Israsaasayn Xoogan ayaa Dhexmartay kooxdii Jidgooyadu Tiilay iyo Ciidanka Darawishta Galmudug waxaana halkaa ka dhashay Qasaare soo Gaaray kooxdii jidgooyada dhigatay waxay sidookale Ciidanku soo Qabteen ilaa 5Nin oo Ka mid ahaa maleeshiyadii  Ka waday wadada dhibaatada kuwaa lagu Xiray xabsiga dhexe ee Galmudug .

Sargaal ka tirsan Ciidanka Daraawishta Galmudug oo Saxaafada uga warbixiyay Qaabka uu Howlgalku u dhacay ayaa Sheegay in ay Baacsanayaan Dhamaan Kooxaha ka Qowlaysta Wadada ayna ka hari Doonin goob kasta oo ay galaan isla markaana ay Ka sifayn doonan Wadad Laamiga ah ee Xiriirisa Galkacyo Iyo Galinsoor mar uu ka Hadlay Qasaaraha Soo Gaaray Ciidanka ayuu yiri Ma jiraan wax qasaare ah oo Soo gaaray ciidanka Howlgalka Fuliyay Balse waxaan soo Qaqabanay intii Badnay kooxdii falka caaducu dariiqnimada ah Waday qar ayaa Dhaawacmay Sidoo kale waxaa jira Xoogaa Qasaare ah oo Soo gaaray Dad rayid ah oo Rasaastii la iswaydarsaday ugu tagtay Xaafadaha ku yaala Afaafka Hore ee Magaalada Maadama aysan ka Fogay magaalada goobta Howlgalka Laga fuliyay Mana xaqiijin karo inta uu le,egyahay Qasaaraha Rayadka soo Gaaray Ayuu yiri .

Howlgalka ayaa Qayb ka ahaa  qorshe ay Ciidanka daraawishta iyo Buliiska Galmudug ku doonayan in ay ku sugaan Amaanka Wadada iyo Magaalada waxaana ilaa iyo Hada Socda howlgalada ay Wadaan ciidamada Buliiska iyo Daraawishta Galmudug, iyadoo Isla manta ay Ciidanka Daraawishta iyo koox Maleeshiyo ah Is rasaasayn ku dhexmartay Gudaha Magaalada kadib Markii ay iska horyimaadeen Ciidanka Daraawaishta oo Ka soo Noqday Howlgalkii iyo Maleeshiyo dhexmaraysay Wadada bila rafle  kadibna ay kooxdii Maleeshiyada ahay rasaas ku furtay Ciidanka Daraawishta waxaana Halkaa ku dhaawacmay hal ruux  oo ka mid ahaa Maleeshiyadii weerarka ku qaaday Ciidanka Dowlada Balse waxaa ciidanka u Suura gashay in ay Gacanta ku dhigaan 2kale oo ka tirsan kooxdii Rasaasta Furtay waxayna Dhamaan Baxaabistii ay Maanta soo Qabteen Ciidamada Daraawishtu u Gudbiyeen Saldhiga Dhexe ee Galmudug.

Hoyga Wararka Galmudug iyo Caalamka  Hobyonet.com

Tifatiraha Guud ee Www.Hobyonet.com

Cali Maalin Nur

Nagala Soo Xiriira Wixii Warar iyo Talo ah 

Cmaalin17@gmail.com

Tell:25290647333

Comments are closed