Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug oo ka jawaabay Hadal ka so yeeray Gudomiyaha Gobolka M.ee Puntland(Warbixin)

GALKACYO/HOBYONET)Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Aweys Cali Siciid ayaa Shir Jaraa,id ku Qabtay Xafiiskiisa wuxuuna sheegay in ay masuuliyinta Puntland joojiyan hadlada Colaada hurin kara oo Saxaafada ay ka sheegayan.
Aweys Cali Siciid Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka ayaa Mar uu ka hadlayay edeyn ay masuuliyinta puntland u jeediyen Galmudug oo ahayd in Dhinaca Galmudug looga Soo tuuray Madaafic ayuu ku Jawaabay mahayn Madaafic balse waa Rasaas habow oo laga yaabo in ay gaartay xaafadaha waqooyi Maadama Maanta Ciidamada Galmudug ay Duleedka Magaalada Galkacyo ka sameeyen Howlgalo ay ku Sifaynayeen Kooxo uu Burcad ku tilmaamay oo ay Ciidamada daraawishta iyo Buliiska Galmudug ku Baacsanayeen kooxahaas taasna ay tahay wax mar kasta ka dhaca laba dhinac ee Magaalada xiliyada ay Jiraan Howlgalada aysanan jirin wax Madaafic ah oo Puntland lagu riday Gudoomiya Kuxigeenka ayaa Intaa ku daray in Masuuliyinta Puntland ay abuurayan Colaad Sidaa darteedna aan Xiligan Shacabka Gobolku u Baahnayn Fowdo waa in ay Raali galin buuxda Ka bixiyaan Masuuliyintii Maanta Saxaafada Ka hadashay waxyaabaha amaan darada ku keeni kara Maamulada Dariska ama Shacabka waa Sida uu yiri Uways Cali Siciid gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudug ee Galmudug
Hadalka ka soo yeeray gudoomiye kuxigeenka Gobolka M.Galmudug ayaa Imaanaya kadib kolkoo ay si wada jira shir jaraa,id u qabteen Godoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka Puntland Max’ed Yusuf Tigey iyo Taliya kuxigeenka Ciidanka Buliiska Puntland Muxyadiin Axmed muuse oo ay kaga hadlen in ay Galmudug wado Gardaro cad isla Markaana ay madaafic ku garaacen Xaafado dad rayid ah Dagayihiin Puntlana aysan u dulqaadanayn .
Hadalada ay saxaafasa isku Marinayaan Masuuliyinta Labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland ayan Ahayn kuwa Farxad galin kara Dhagaca Shacabka inkastoo Maamulka Galmudug uu Si cad u Sheegay Sababta Keentay in rasaas gaarto Xaafado ka tirsan Waqooyiga Galkacyo.
Hoyga Wararka Galmudug iyo Caalamka Hobyonet.com
Tifatiraha Guud ee Www.Hobyonet.com
Cali Maalin Nur
Nagala Soo Xiriira Wixii Warar iyo Talo ah
Tell:25290647333



Recent Comments