|

Dab qasaare Qaystay oo Ka kacay Kaamka Buulo Carafaad ee K/galkacyo

GALKACYO/HOBYONET)Kaam buula Carafaad oo ka tirsan Kaamamka ku yaala koonfurta Magaalada Galkacyo ayaa galabtii Mar qura Dab ka kacay waxaana halkaa ka Dhashay Dhaawac soo gaaray 2ruux oo ka mid ahaa dadkii Barakacayaasha ahaa eek u noolaa goobta dabku ka kacay waxaa kale oo ku gurya waayay ilaa 50qoys danyar ah.

Lama oga sababta ka denbaysay in dab ka dhasho Xerada Balse sida warar hor dhac ah ay sheegayaan wuxuu ka dhashay Burjiko ay isticmaalayen dadka Xerada kadib kolkii ay Dabayl xoogan ku dhufatay kaamka .

Damka ka qabsaday kaamka ay ku noolyihiin Barakacayaasha ayan ahayn markii ugu Horaysay ee dab qabsado mid ka mid ah xeryaha dadka soo Barakacay .

Recent Comments

    Comments are closed