Jaaliyadda Beesha Saruur ee Norwey oo Baaq iyo Codsi u Diray Dowlad Goboledka Galmudug(Warbixin)
OSLO NORWEY/HOBYONET)marka hore waan salaameynaa dhammaan madaxda iyo waxgaradka kale maamulka ee wax badan u soo dhabar adeygay horumarka dowladda galmudug.
Mdaxweynaha, golaha dhaqanka iyo dhamaan shacabka dowlada galmudug.
tan kale ee aanu ka hadleynaa waxa weeye in dowladan cusub aaney weli dadkii masuulka uga noqonlahaa deegaana beesha aaney weli magacaabin sababtaas iyo in wax laga qabto cadowga heysta deegaanada maamulka siiba degmooyinka xarardheere, jowle iyo tuuloyin badan oo hoostaga hadii ay ahaan laheyd burcad badeed iyo kuwan afka duubta oo iyagu deegaanada kawada takrifal xad dhaaf ah.
waxaanu madaxweynaha ka codsaneynaa in maamul deg deg ah loo magacaabo si wada shaqeynta hey,adaha dowladu ufududaato iyo in waxgaradka deegaan oo ah dad nabad jaceyl ku sifoobey lagala hadlo sidii cadowga dhulka looga sifeyn lahaa taas oo aanu diyaar u nahay anaga oo jecel in qoraalkeygu gaaro madaxda u sareysa dowlada si aanu u wada xiriirno waayo waxaanu nahay dad jecel nidaam iyo dowladnimo.
waxaa kale oo aanu muhimad u aragnaa in ey lagama maarmaan tahay in bulshada ku nool qurbaha lagu dhiiri geliyo wada shaqeyn si looga faa,iideysto hey,adaha deeqbixiyaasha ah ee dibadaha oo aanu wax badan kala socono iyo in mas,uuliyiinta dowlada u jooga wadamadan yurub ay sameeyaan shirar iyo wada tashi dadka maamulka ku abtirsada dhexdooda ah
wabilaahi towfiiq
Guddomiye ku xigeenka jaaliyada ee dalka NORWAY
Eng: Xasan Nageeye Galcal.
Hoyga Wararka Galmudug iyo Caalamka Hobyonet.com
Tifatiraha Guud ee Www.Hobyonet.com
Cali Maalin Nur
Nagala Soo Xiriira Wixii Warar iyo Talo ah
Tell:25290647333



Recent Comments