|

NGoga FERO oo Maanta Galkacyo ka bilaabay Barnaamij Ka Hortaga Tacadiyada loo gaysto Dumarka(Sawiro)

GALKACYO/HOBYONET)Ngoga FERO  ayaa Maanta Hotelka Plaza ee K/galkacyo ku qabtay Barnaamij looga doodayay Sida looga hortagi karo Tacadiyada loogaysto Dumarka  waxaana Barnaamijkan Socon Doonaa Mudo 16maalmod ah iyadoo Diirada Lagu Saarayo Qaabka ugu haboon ee loo Dabar Goyn karo Dhaqamada Foosha Xun ee ay La kulmaan Dumarka.

Yuusuf  Xasan oo ka Mid ahaa msuuliyinta NGoga FERO ayaa Ugu horayn Sharay Wax yaabaha ay barnaamijkan ugu Tala galeen iyo Muda uu socon doono wuxuuna sheegay in ay FERO soo qabanqabisay isla markaana uu ku salaysanyahay Ka hortaga Dacadiyada Ka dhanka ah galmada Jinsiga iyo Sidii loo Wacyi galin Lahaa Dhamaan Bulshada Qaybeeda Kala Duwan oo inta uu socdo Barnaamijku ay ka qayb qadan doonan Qaybaha Bulshada Sida Dhalinyarada Sportska,Ururada Gabdhaha iyo Qaybaha kale ee Dumarka laguna Soo Bandhigi doono Riwaayado Ka turjumaya Xadgudubka Dumarka ,waxaaana la siin Doonaa Dadka ka qayb qalaya Casharo ku Saabsan Sidii ay Fikir uga qaadan Lahayen ka Hortaga Tacadiyada loo gaysto Dumarka.

Barnaamijkan oo Casharo Lagu bixinayay ayaa waxaa Ka Qaybgalay 50qofood waxayna Macalimiintii  Barnaamijkan Waday Soo Bandhigeen Dacadiyada Ka dhaca Dunida iyo Wax yaabaha sababa iyadoo Sidoo kale Dadkii loo Qabtay Aqoon iswaydarsigan Su,aalo la waydiiyay  halkaana ay Ku Soo gudbiyeen Fikirkooda ku aadan  Sababa Keena In markasta Ay Dumarku la kulmaan xadgudub.

Dhankale waxaa Marti sharaftii ka hadlay ka mid ahaa Xildhibaanad Xabiibo koofurow  oo ugu horay u Mahad Celisay Ngogii Barnaamijkan Soo qaban qaabisay ee FERO waxayna Xildhibaanadu ku tilmaantay Dumarka kuwa u nugul xadgudubyada isla markaana loo Baahanyahay in loo is taago sidii wax looga qaban lahaa  .

Sidoo kale waxaa iyana hadal Kooban ka jeedisay goobta  Wasir kuxigeenkii Hore ee Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Maymuun Cali Nuur oo sheegtay in ay tahay Fusad Muhiim ah Qabashada Siminaarkan iyo in Haweenka lagu dhiira galiyo ka fogaashaha Wax yaabaha Xun xun oo keni kara in ay la kulmaan Dacadiyada Sida Kufsiga ama dililka iyo Wixii la mid ah ayay tiri Maymuun Cali Nuur.

 

Intii uu Socday Aqoon is waydarsigan ayaa waxaa Fikro iyo  Su,aalo Kala Duwan Soo gudbiyay Dadkii loo Qaybtay iyagoo inta Badan  sheegay in dumarku ay la kulmaan  Xadgudubyo Farabadan Sida in aysan ragu Siinin xaqooda, Xadgudub dhanka galmada ah,Kufsi,iyo dacadiyo Joogtaa .

Barnaamijkan Ay qabatay NGOga FERo ayaa Noqonaya Markii labaad ee ay Bulshada u Qabato Barnaamij  Caynka oo Kale ah oo ay ka Faa,idaystaan Bulshada Ku Dhaqanka Deegaanada Galmudug iaydoo ay maanta ku Beegnayd Maalinta Xuquuqul Insaanka.

DAAWO SAWIRADA

Hoyga Wararka Galmudug iyo Caalamka  Hobyonet.com

Tifatiraha Guud ee Www.Hobyonet.com

Cali Maalin Nur

Nagala Soo Xiriira Wixii Warar iyo Talo ah 

Cmaalin17@gmail.com

Tell:25290647333

Recent Comments

    Comments are closed