|

Ururka G And MF Foundation oo Deeq Gaarsiiyay Dugsiga H/dhexe ee Magaalada Docol(Wabixin)

CEELGUULA/HOBYONET)Ururka Haweenka G and M Foundation ee Xaruntiisu Tahay Magaalada  London ee  Dalka Engiriiska ayaa waxuu soo gaarissiyay Dugsiga H/Dhexe ee Magaalada Docol, Galmudug State qalabka Solarka ee korontada dhaliya. Waxaa ka jirta in badan iskuulada koronto la’aan taas oo keenta in Ardada fursad u heli waayaan inay ka shaqeeyaan casharada loo soo diro iyo qalabka waxbarashada sida kombiyuutarada oo haddii iskuuladu helaan aysan u haysan koronto. Waxaa laga faa’idaysan tamarta qoraxda oo maalintii oo dhan joogta oo haddii la helo qalabka solarka aan loo bahnaanayn motooro koronto oo ku shaqaynaya shidaalka qaaliga ah.

Haddaba Ururka G and M Foundation waxuu u suurto geliyay Ardada iskuulka Docol in ay Xiliga hameenkii  iskuulka wax ku bartaan , gaar ahaan gabdhaha oo galabtii inta badan ka caawiya ehelkooda hawsha guriga tan waxay fursad u siinaysaa inay casharada ka shaqeeyaan Hameenkii .Waxaa sidoo kale qalbkaan Ururka Gand M ku deeqay iskuulka ka faa’daysanaya dadka waawayn oo ayana habeenkii iskuulka wax ku baranaya.

Dhamaan bulshada Magaalada Docol waxay u mahad celinaysaa Ururka Gand M Foundation oo mar kasta u taagan caawinta bulshada degaanka gaar ahaan dhinaca tacliinta

Hoyga Wararka Galmudug iyo Caalamka  Hobyonet.com

Tifatiraha Guud ee Www.Hobyonet.com

Cali Maalin Nur

Nagala Soo Xiriira Wixii Warar iyo Talo ah 

Cmaalin17@gmail.com

Tell:25290647333

 

Comments are closed