|

Odayaasha iyo Dhallinyarada beelaha Banaadiriga oo dhaliilay xubnaha

MUDISHO-HOBYONET)Kulan ay maanta isugu yimaadeen waxgaradka, odayaasha, dhallinyarada,
Culumaa’udiinka iyo dhallinyarada beelaha Banaadiriga kana dhacay
magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay xaaladda wadanka iyo doorka
beesha uga aadan taageerada Dowladda Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku
saabsan xubnaha beelahaasi u matalaya Xukuumadda cusub ee dhowaan
dalka ka dhalatay.

Guddoomiyaha Midowga Dhallinyarada beelaha Banaadiriga Md. Cumar
Shariif Jeeg, Guddoomiyaha xalinta Khilaafaadka beelaha Banaadiriga
Caaqil Dheere Shiiqeey Maxamed, Malaaqa Beelaha Banaadiriga Malaaq
Maxamed smaaciil, nabadoon Xasan Bilaal Maye iyo xubno kale ayaa ka
qeyb galay kulankaasi oo diiradda lagu saaray arrimo fara badan.

Md. Cumar Shariif Jeeg Guddoomiyaha Midowga Dhallinyarada beelaha
Banaadiriga oo ugu horeyn kulankaasi ka jeediyay khudbadda furitaanka
ayaa dhaleeceyn ba’an dusha uga tuuray xubnaha beelahaasi ugu jira
Dowladda oo uu sheegay inaysan matalin beelaha Banaadiriga, isagoo ku
eedeeyay in lixda xubnood ee beelaha Banaadiriga ugu jira Dowladda ay
yihiin shaqsiyaad ka weecday danta guud isla markaana danahooda oo
kaliya eeganaya.

“Saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Soomaaliya waxaan
ogeysiineynaa isla markaana ugu baaqeynaa inaysan wakiil ka ahayn
beelaha Banaadiriga xubnaha aan heysan kalsoonida beelaha ay ka soo
jeedaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Dhallinyarada beelaha
Banaadiriga oo sheegay in madaxda sare ee Dowladda ay la soo xiriiraan
gogosha waxgaradka iyo odayaasha beelaha Banaadiriga isla markaana u
soo diraan guddi arrimahaasi soo baara.

Waxaa kale oo uu sheegay Md. Cumar Shariif Jeeg in xubnaha beelaha
Banaadiriga ugu jira Dowladda aanay heysan kalsoonida beesha, isla
markaana ay yihiin xubno maroorsaday amaba si qiyaano ah uga mid
noqday Dowladda, wuxuuna caddeeyay in kulankani maanta ay yeesheen uu
la xiriiro kaddib markii uu soo gaaray warar degdeg ah oo ku saabsan
in xubnahaasi ay kulan la yeelanayaan saddexda mas’uul iyagoo ku
andacoonaya in kuraasta beelaha Banaadiriga ay iyagu qaadaan.

“Nama matalaan xubnaha Dowladda ku jira ee ku qaraabanaya magaca
beelaha Banaadiriga, haddii ay dhacdo in xubnahaasi warkooda la yeelo
anagana sidii Gaza oo kale waan mudaaharaadeynaa anagoo ku
dagaalameyna dhallooyin batrool lagu shubay” ayuu yiri Cumar Shariif
Jeeg.

Isagoo ka hadlayay Guddoomiyaha Midowga Dhallinyarada beelaha
Banaadiriga tallaabada xigta ee ay qaadayaan, waxa uu ka codsaday
Dowladda inay u ogolaadaan inay bannaanbaxyo ku sameeyaan xubnahaasi
qiyaanay beelaha Banaadiriga ah isla markaana ay ku celcelinayaan
inaysan marnaba matalin iyaga.

“Madaxda sare ee Dowladda waxaan ugu baaqeynaa in xubnaha beelaha
Banaadiriga ay ku leeyihiin, Wasiir K/Xigeenada, Safiirada,
Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda aanay kala tashan karin
ragga magaca beesha ku qaraabanaya, waana inay Dowladdu kala tashato
guddiga odayaasha dhaqanka beelaha Banaadiriga ah” ayuu mar kale yiri
Cumar Shariif Jeeg Guddoomiyaha Midowga dhallinyarada beelaha
Banaadiriga.

Dhinaca kale waxaa halkaasi khudbad kooban oo qiimo leh ka jeediyay
Caaqil Dheere Shiiqeey Maxamed Guddiga guddiga xalinta khilaafaadka
beelaha Banaadiriga ayaa sheegay inay yihiin beelo nabadeed, isla
markaana Dowladda cusub ay taageersan yihiin mar haddii ay meesha ka
saartay nidaamkii 4.5 oo in muddo ah lagu soo hayay beelahaasi.

“Anagoo maanta ku naalooneyna cadaaladda lagu soo dhisay Dowladda oo
barkii meesha ka saartay waxna ku qeybisay shan beelood oo siman,
waxaa nasiib darro noqotay in shaqsiyaad ka mid ah beelaha Banaadiriga
ah ay sameeyeen takri fal iyo iska warqab la’aan, waana kuwo dhuunta
wax ka arka oo aan indhahaba wax ka arkin” ayuu yiri Caaqil Dheere
Shiiqeey.

Ugu dambeyntii waxaa kulanka ka hadlay Malaaq Maxamed Ismaaciil Axmed
iyo Xasan Bilaal Maye oo ku booriyay xubnaha beelaha Banaadiriga
magacooda ku qaraabanaya inay arrintaasi ka waantoobaan isla markaana
ay la xiriiraan waxgaradka, odayaasha iyo bulshada beelaha Banaadiriga
gogosha ay leeyihiin.

Sawiro

W/D:Zaciimka

 Www.hobyonet.com Muqdisho Office

Recent Comments

    Comments are closed