|

Shirkadaha Al amal Express iyo Kaah Express oo Gacan Ka gaystay tartamadii Atlanta(Sawiro)

SPORTS/HOBYO.NET)Tartamadii Isboorti ee sanadkaan lagu qabtay Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka waxay xusuus ku reebeen Jaaliyadda ku nool Magaaladaasi,waayo waxa sanadkaan lagu tiriyaa in uu ahaa mid ka soo qeybgalkiisu uu sareeyo,waxaana ka soo qeyb galay Kooxo ka kala socda Gobolo aad ugu hormarsan Isboortiga,waxa kaloo lagu xusuustaa in ay ka soo qeyb galeen Halyeeyo caan ku ah Isboortiga qeybahiisa kala duwan kuwa oo bilay tartanka sanadkaan.

                             

Waxaa naga go’aan ah in aan diiradda saarno horumarinta Isboortiga kuna abaabino dhalanka soo koraayo,waxaan hubnaa haddi Isboortiga loo maro wadiiqadda toosan in la unki karo aasaas lagu hormarin karo xirfadaha kala duwan ee ubadka soo koraayo taa oo u suurtagelineysa in ay guulo la taaban karo ay ka gaaraan nolosha qeybaheeda kala duwan,waxaanu hubnaa haddi la adeegsado awooda Isboortiga leeyahay in laga baranaayo duruusta ugu qiimaha badan oo si toos iyo si dadbanba u taabaneyso jilalka mustaqbalka soo korayaayo,waxa laga bartaa adaabta.isxilqaanka ,kalsoonida ,go’aan qadashadda,xusmadda iyo kala dambeynta waa qodobadaa kuwa nagu qasbay in aanu garab istaagno Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka oo sanadkaan awoodooda isugu geeya sidii ay u abaabuli lahaayeen tartamadaasi,sida waxa yiri Dr. Cabdi Kaafi oo ah Madaxa Maamulka Laccagta ee Xawaaladda AL-AMAL EXPRESS iyo Aaden Sanbul Gudoomiye ku Xigeenka Xawaaladda KAAH EXPRESS ahna Maamulaha PIZZA HALAAL,kuwaa oo doorkey ka qaateen Abaabulkii Isboorti ahaa mid aan la qiyaasi karin oo runtii la’aantood aan la gaareen guulaha uu maanta gaaray Isboortiga Atlanta.

 

Dr. Cabdi Kaafi iyo Aaden Sanbul waxay kaloo sheegeen in ay maanta Bulshadda ay u haayaan shaqo aad iyo aad muhim u ah,eyna xiriiriyaan eheladda Soomaaliyeed ee ku nool daafaha addunka,uuna kala gudbiyaan lacagaha iyo fariimaha kale ee muhimka,ka dib markii uu burburay ha’yadihii Qaranka Soomaaliyeed,taa marka waxa qasab inooga dhigeysa in aanu dib ugu celino Bulshada fa’iidadii aanu ka helnay taa aanu maanta sumcad ku helnay,waxaana ku dadaali doonaa inta karaankeena ah in aanu wadno taakuleynta Isboortiga si Dhalinyaradda Soomaaliyeed looga badbaadiyo in ay raacaan wadiiqooyin halis u noqon karta mustaqbalkooda ayey ku soo gabagabeyeen hadalkoodii Mudane Dr. Cabdi Kaafi iyo Mudane Aaden Sanbul.

 

Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka waxa kaloo ay mahad aan la koobi karin u jeedinayaa Mudane Cali Maxamed oo lagu naaneyso Cali Baay daadlkii biyo kama dibcaanka ahaa uu ka muujiyey Tartamadii dhawaan lagu soo gabagabeeyey Magaaladda Atlanta,waxaana uu muujiyey xilkasnimo,daacadnimo uu u qabo dhadhaqaaqa Isboortiga,isagoo gacan aan la maleyn karin ka geystay Abaabukii Ciyaarha Gaar ahaan Kubadda Koleyga oo ay sanadkaan ka soo qeyb galeen dhalinyarao mustaqbal ku lahaa dhanka Kubada Koleyga taa oo taarikhda u geli doonta.

 

Recent Comments

    Comments are closed