|

Wafdi Ka Socda Dowlada Federalka Somaliya oo Galmudug Soo Gaaray(Daawo Sawirada)

GALKACYO/HOBYONET)Waxaaa Maanta Magaalada Galkacyo ee Xarunta Galmudug Soo gaaray Wafdi isku jira Agaasimayaal Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir,Madaxda Ururada Dhalinyarada iyo Haweenka oo ka Socday Dowlada Somaliya iyadoo ay garoonka Galkaacyo ku soo Dhaweeyen Masuuliyinta Galmudug qarkod,Ururada Bulshada iyo Qar ka tirsan Saraakiisha ciidamada Galmudug.

 

Wafdigan oo Sidoo kale ay La socdeen Qar Ka tirsan Wasiirada  Dowlada Galmudug Sida wasiirka Xiriirka Caalamka Galmudug oo qayb ka ahaa wafdigan waxayna Masuuliyintan Ka Socota Dowlada Federalka  Somaliya ayaa U jeedadoodu tahay Sidii ay Uga qayb gali lahayeen  Xaflada Furitaanka Madaxtooyada Galmudug oo Dhismaheedu soo idlaaday.

  Masuuliyinta Maanta Soo Gaaray Galmudug ee Ka yimid Magaalada Muqdisho ayaa Kala ahaa

  1. 1.     Max’ed Abuukar Jacfar Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag
  2. 2.     Max’ed Cali Axmed        Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab
  3. 3.     C/qaadir Max’ed Baree  Wasiiru dowlihii Hore ee Wasaarada Waxbarashada
  4. 4.     Jawaahir Baarqab           Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir
  5. 5.     Deeqo Axmed                  Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada   iyo Masuuliyin kale oo ka tirsan Dowlada Somaliya

Waxaana dhamaan Masuuliyintii Timid u Mahad celiyeen Masuuliyinta Maamulka Galmudug Sida wanaagsan ee Ay u Hormariyeen Deegankooda ayna Dowlada Soomaliya garab Tagantahay Maamulka Galmudug .

 

Wafdiga oo qaar ka mida Saxaafada la hadlay kadib kolkii ay yimaden Magaalada ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin imaatinka Galmudug isla Markaana ay u gudbin doonaan Dowlada Somaliya Sida Galmudug uga go,antahay la shaqaynta iyo horumarka Dalka.

Daawo Sawirada

Hoyga Wararka Galmudug iyo Caalamka  Hobyonet.com

Tifatiraha Guud ee Www.Hobyonet.com

Cali Maalin Nur

Nagala Soo Xiriira Wixii Warar iyo Talo ah 

Cmaalin17@gmail.com

Tell:25290647333

Comments are closed