Xaruntii Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug oo Maanta Si cajiiba Xariga looga Jaray(Warbixin iyo Sawiro

Xaflad Balaaran oo ay Ka soo qayb Galeen Masuuliyin Ka socotay Dowlada FD.R. Somaliya , qar Ka tirsan Madaxda Maamulka Puntland , Xubno ka Socday Ahlu Suna iyo Masuuliyta Maamulka Galmudug ayaa Lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Cusub ee Galmudug Galkacyo.
Xarunta Laga Dhisay Madaxtooyada Cusub ayaa ku taala meel 1KM waxayna Shacabka Magaaladu Subaxnimadii Hore ee saaka u dareerer Xarunta Si ay Kaarka Invitatioka u helaan oo loogu talagalay in looga qayb Galo Munaasabada waxanaa manta galinkii Hore Xirnaa Inta Badan Goobihii ganacsiga
Xaflada oo ahayd Mid Si heer sare ah loo soo Agaasimay aayaa waxaa ka Mid ahaa Madaxdii Qudbadaha ka jeedisay Wasiiru Dowlihii hore ee Dowlada Somaliya Mudane C/qaadir Max’ed bare oo Hadal kooban jeediyay wuxuuna sheegay in ay fursad Lama ilawaana u tahay Galmudug iyo Soomaliya in ay furan xaruun Madaxtooyo oo qaab caynkan ah u dhisan wuxuuna dhamaan Shacabka Galmudug kula dar daarmay in ay sii wadaan dadaalka ay ku Doonayaan in ay Dalkooda ku Hor Mariyaan.
Waxaa Sidoo Kale Madasha ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Max’ed Yuusuf (Tigey) oo ka hadlay muhiimada ay ku fadhido dhismaha xarun Cusub oo maamulka Galmudug uu yeesho mar uu ka hadlayay ka maamul ahaan ahmiyada ay u leedahay in Galmudug furato xaruumo Dowladeed oo Cusub maadama Ay Puntland iyo Galmudug Darisyihin horumarka Puntland waa in ay ka qayb qatan shacabka Galmudug sidookalena Horumarka Galmudug waa in ay ka qayb qaatan shacabka Puntland wuxuu intaa Ku daray in ay gacmaha is qabsadaan shacabka labada Maamul maadama ay yihiin dad walaalo ah.
Madaxweynihii Hore ee Galmudug Danjire Max’ed warsame Cali kiimiko ayaa Si Rasmi ah Xariga Uga jaray Qasriga Cusub ee Galmudug Xiligii loo asteeyay oo ku Begnayd 12saac 12daqiiqo 12min 12ka Decemeber iyo 2012ka sanadka kadibna wuxuu ka sheekeyay marxaladihii ay Galmudug soo Martay waxaana hadaladisa ka mid ahaa waxay soo martay Marxalado kala duwan oo hadba qaab ay u soo Shaqaysay Balse Galmudug mar waxaa la oaran jiray waa Maamul xaafadeed inkastoo Dadaal Badan kadib ay heshay aqoonsi Caalami ah wuxuu Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ku Guulaystay in uu furo Xaruntan Cusub ee Madaxtooyada waana mid taariikhda u gali Doonta waxaana kugula dardaarmayaa in aad labo jibaarto Dadaalkaga ayuu yiri Kiimiko .
Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug Jen.Cabdi Qaybdiid ayaa qudbad Xasaasi ah jeediyay wuxuuna ka Hadlay Qaabka ay u hirgashay in Xukuumadiisa Cusub ku guulaysato furitaanka Madaxtooyo Cusub waxaa lagu dhisay Lacag ay Dadka reer Galmudug ee Dalka iyo Dibada Jooga soo aruursheen mahan wax shaqsi kaliya dhisay mahan in shirkad gaara ay dhismeeda qaadtay ee waxaa Dhisay Shacabka Galmudug dhaqaale iyo xoogba ayuu Yiri Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid madaxweynaha dhanka kale madaxweynaha Ayaa u Mahad Celiyay Dhamaan ka soo Qayb galayaashii Xaflada wuxuuna Balan qaaday in uu Wadi doono dhiira galinta shacabka iyo in uu si Cadaalada u maamuli doono dhamaan hay,adaha Dowlada Sidoo kale wuxuu mr.Qaybdiid Xusay in uu Socdo Dhismaha Xabsi Cusub oo loogu talagay in Lagu Xiro Ama lagu dhaqan Celinayo dadka danbiilayaasha ah iyo kuwa qas wadayaasha ah
Munaasabada oo Saacado Socotay ayaa lagu soo Bandhigay riwaayado iyo Sugaan oo ay jilayeen qaar ka mida Bulshada iyo fanaanin lagu Casuumay Xaflada .
Dadkii iyo masuuliyintii ka hadlay Xaflada ayaa aad u farabadnaa Basle hadaan Si kooban idin kugu soo Gudbino qaybaha ka soo qayb galay
Wafdi Ka socday Dowlada Somaliya oo kala ahaa
Gudoomiyaha Ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab
Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada Deeqo C/qaadir
Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag Max’ed Abukar Jacfar
Iyo masuulin kale
Sidookale waxaa Madasha ku Sugnaa Saraakiil Ka Socotay Hay.ada Unka
Iyo NGyada ka howlgala Gobolka qarkood
Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland oo uu Hogaaminayay
Guddoomiyaha Gobolka Mudug Max’ed Yuusuf Jaamac
Iyo marti sharaf iyo Masuuliyin aan halkaan ku soo koobi Karin Balse waxaa xusid mudan in ay ka soo qayb galeen Shacab kor u dhaafaya 2000 oo qofood oo ka kala yimid Dhamaan deegaanada Galmudug
Munaasabadan manta xariga looga Jarayay Aqalka Cusub ee maamylka Galmudug looga ariminayo ayaa noqonaysa Mid taarikhi ah marka loo eego Qaabka loo soo Agaasimay iyo sida Cajiibka ah ee ay Shacabka Galmudug ugu dhabar adaygeen iyo qaabka loo asteeyay Furitaankeeda oo ku Begnayd Tiro Isku aadan Sida 12saac 12daqiiqo 12min 12ka Decemeber iyo 2012ka sanadka oo u Muuqatay Mid ay ka soo shaqeeyen Qaban qaabiyayashii Munaasabada.



RAALI GALIN
AQRISTAYAASHENA WAXAN IDINKA RAALI GALINAYNA DAAHITANKA WARBIXINTA IYO SAWIRADA XAFLADA FURITANKA MADAXTOYADA WAXAANA SAWIRADA OO DHAMAYSTIRAN SOO GALIN DOONAA GOORDHOW
Hoyga Wararka Galmudug iyo Caalamka Hobyonet.com
Tifatiraha
Guud ee Www.Hobyonet.com
Cali Maalin Nur
Nagala Soo Xiriira Wixii Warar iyo Talo ah
Tell:25290647333



Recent Comments